Khamiis, October, 04, 2018 (HOL) – Golaha
Wasiirrada Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho oo uu
guddoominayay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, waxa ay ku ansixiyeen go’aan
khuseeya hay’adaha caalamiga ah oo dhawaan ay soo saartay wasaaradda
qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.
Go’aanka ayaa mamnuucaya in hay’adaha caalamiga ah ee hawl-gala gudaha
Soomaaliya ay xafiisyadooda khuseeya arrimaha dalka ay ku yaallaan meel ka
baxsan gayiga Soomaaliya.
Wasiirka qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Jamaal Maxamed
Xasan, oo August 29, 2018 kulan la qaatay madaxda hay’adaha caalamiga ah ee
dalka ka hawl-gala ayaa ku war-geliyay ga’aan ay dawladdu qaaday oo dhigaya in
dhammaan hay’adaha caalamig ah ay xafiisyadooda ka furtaan gudaha dalka, kuna
shaqo billaabaan kahor Janaayo 01, 2019, isaga oo ku wargeliyay in hay’addii u
hogaansami wayda go’aanka dawladda lagala laabanayo ruqsadda.
Qorshaha hawl-gelinta xafiisyada hay’addaha caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa
fududaynaya dardar-gelinta hawlaha isku tolan iyo wada-shaqaynta hay’adaha iyo
dawladda federaalka Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]