4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 4 , 2018
Saraakiisha dowladda oo faah faahin ka bixisay duqeyn ka dhacday gobolka Gedo

 

Khamiis, October, 04, 2018 (HOL)–Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xalay duqeyn diyaarado ay ka geys-teen deegaanka Ceelcade ee gobolka Gedo sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Col  Cabaas Gurey  oo ka mid ah saraakiisha dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in duqeyntasi lala beegsaday saraakiil ka tirsan xoogagga Al-shabaab, isaga oo beeniyay in duqeyntaasi wax-yeello ka soo gaartay dad rayid ah.

“Duqeyntu waxay aheyd mid lala eegtay kooxaha nabad-diidka Al Shabaab, waxaan ognahay inaanay dhib gaarin shacabka, balse waxaa lala beegsaday kooxaha argagixisada, dhimasho iyo dhaawac ayaa ku gaaray, goobta la bartilmaameedsaday waxaa ku sugnaa taliyaha amniga gobolka Gedo ee Shabaab” ayuu yiri Korneel Cabaas Gurey.

Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo waxaa bilihii ugu danbeeyayba si is daba joog ah uga dhacayay duqeymo lagu beegsanayo saldhigyada Al-shabaab, inkastoo haddana dhinaca kale marka la eego duqeymahaasi khasaare baaxad leh soo gaarsiiyaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaannada la bartilmaameedsado.

Duqeyntan ugu danbeysay lama sheegin cida geystay iyo haddii ay jiraan xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku dhintay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]