4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 4 , 2018
Qabyo tirka dastuurka dalka oo la amray in la dardargaliyo

 

Khamiis, October, 04, 2018 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada oo looga hadlay qabya-tirka iyo dib-u-eegista dastuurka, amniga, siyaasadda lagula dhaqamayo hay’adaha xafiisyada ku leh dalka dibaddiisa, Istaraatiijiyadda Soo-kabashada iyo kobcinta dawladnimada iyo Hantida Qaranka

Wasaaradda arrimaha dastuurka ayaa golaha warbixin ka siisay horumarrada laga gaaray qabya-tirka dastuurka, caqabadaha iyo fursadaha jira

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa warbixinta kadib waxa uu wasaaradda ku ammaanay shaqada ballaaran, waxa uuna amar ku bixiyay in dhammaan dhinacyada wada-shaqaynta la leh wasaaradda ay fududeeyaan hawlaha ay qaybta uga yihiin qabyo-tirka dastuurka si guul looga gaaro ajandayaasha qaran dalkuna uu u helo dasruur dhammays-tiran.

Golaha wasiirrada ayaa ansixiyay go’aan ay dhawaan soo saartay wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha oo dhigayay in dhammaan hay’adaha dalka ka howl gala ee xafiisyada ku leh dalka dibadiisa ay gudaha dalka xafiisyo ka furtaan kuna shaqo billaabaan kahor Janaayo 01, 2019, hay’addii amarkaas u hogaansami waysana lagala laabanayo ruqsadda ay u haysato ka shaqayta Soomaaliya.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyay Istaraatiijiyadda Soo kabashada iyo kobcinta dawladnimada oo ay soo bandhigtay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.

Kulanka ayaa Wasaaradda amniga gudaha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) ka dhagaystay warbixnta la xariirta amniga guud ee dalka, iyo dardargelinta dadaallada lagu xasilanayo guud ahaan Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]