Mukhtaar Rooboow oo shaaciyay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed
Khamiis, October, 04, 2018 (HOL) –Mukhtaar Rooboow Cali Abuu- Mansuur oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya..
Rooboow ayaa sheegay in go’aankan uu qaatay ee ah
in uu isku soo taago qabashada xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ka
danbeysay codsi sida uu hadalka u dhigay ay u soo jeediyeed qaar ka mid ah
dadka reer Koonfur Galbeed.
Baydhabo waxaa ka soconaya shirar iyo kulamo kala
duwan oo ay halkaa kula leeyihiin qeybaha bulshada musharixiinta u tartameysa
xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed dabayaaqada sanadkan.
Dadweynihii soo dhaweyntiisa isugu soo baxay ayuu
u sheegay sababta uu isku soo sharaxay inay ka dambeysay kadib markii uu codsi
uga yimid dad badan oo ka soo jeeda degaanada maamulka Koonfur Galbeed.
Dadka taageersan Rooboow ayaa marka aad la
sheekeysato waxaa ay kuu sheegayaan in ay u arkaan shaqsi waqtigan adag
maamulka Koonfur Galbeed hoggaamin kara, gaar ahaan dagaalka ka dhanka
Al-shabaab oo ay Rooboow u arkaan in uu yahay qof kaliya ee ku guuleysan kara
madaama uu horay uga mid ahaa saraakiisha sar sare ee Ururkaas.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]