4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 4 , 2018
Galmudug oo eedeyn u jeedisay aqalka sare Soomaaliya

 

Khamiis, October, 04, 2018 (HOL) –Maamul gobolleedka Galmudug ayaa eedeyn u jeediyay aqalka sare ee Soomaaliya oo ay ku sheegeen in uu ku milmay faragalinta dowladda dhexe ee ka dhanka ah Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan (Masagawaa) ayaa sheegay inay weli socoto faragelinta Madaxda dowladda Federaalka ku hayaan Maamulka Galmudug, kaddib shir jaraa’id uu xalay ku qabtay Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxda dowladda Federaalka ay adeegsaneyso Aqalka Sare, iyadoo dhowaan Aqalka Sare war saxaafadeed ka soo saartay xaalada ka taagan Galmudug.

“Waxaa wali soconaya faragelintii Madaxda dowladda Federaalka ku hayaan arrimo hoosaadka dowlad goboleedka Galmudug, taas oo hada qaadatay weji cusub, iyagoo adeegsanaya Aqalka Sare”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Galmudug.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Aqalka Sare ay ka gaabiyeen gudashada waajibaadkooda dastuuriga.

Waxaan wali xal waara laga gaarin khilaafka Galmudug, iyadoo labada dhinac ee kala fadhiya Cadaado iyo Dhuusamareeb ay isugu jawaabeen xil ka qaadis iska soo horjeeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]