Hiiraan Online
4/26/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 4 , 2018
Addis Ababa: Labo askari oo toogasho lagu dilay
Khamiis, October, 04, 2018 (HOL)- Askari cabsan oo ka tirsan booliska Itoobiya ayaa bartamaha magaalada Addis Ababa ku toogtay labo askari oo ka tirsan booliska,sida u sheegay taliyaha booliska.
Taliyaha booliska Federaaka Itoobiya, Zeynu Jemal ayaa inta ku daray in toogasho lagu dilay askarigii cabsanaa,lamana sheegin khasaaro inta ka badan oo ka dhalatay rasaasta uu furey askariga cabsanaa.
Booliska ayaa xirey waddada ay toogashada ka dhacday ee degmada Bole oo ku taalla bartamaha magaalada Addis Ababa,ka hor intii aysan dib haddana u furin.
Addis Ababa ayaa ka mid ah goobaha ugu amniga wanagsan dalka Itoobiya ee ka nabadgalay rabasho ka socda magaalooyin kale oo dalkaas.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]