4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 4 , 2018
Maareeye: Waxaa socda qorshe lagu doonayo in dowladaha dariska la is dhaafsado ganacsiga

Khamiis, October, 04, 2018 (HOL)-  Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Soomaaliya ay dibadda wax u dhoofin doonto,arrinta oo qayb ka ah dadaallada ay mar kale Soomaaliya ku dooneyso inay isku filnaato,sida u sheegay.

"Horumar ballaaran oo dhinaca Ganacsiga Soomaaliya ayaa jira iyo qorshooyin ay haatan wado Wasaaradda Ganacsiga oo lagu doonayo in dowladaha dariska iyo kuwa kalaba la is dhaafsado ganacsiga, maadaama dhulkeenu hodan yahay."ayuu yiri Wasiir Maareeye oo warbixin siiyay Guddiga dhaqaalaha ee Aqalka Sare.

Toddobaadyo ka hor ayuu wasiirka sheegay in diyaaradaha qaadka ka soo qaada Kenya ay dalkaas u iibgeyn doonan kalluunka Soomaaliya, taas oo aan wali la arag.

Dowladda Soomaaliya ayaa wixii ka dambeeyay burburkii dowladda dhexe waxay ay ku tirsaneyd beesha caalamka oo miisaniyada dalka kabta,taas oo u sabab ah wali dowladda inaysan isku filnaan,maaddaama ay koobanyihiin ilaha dhaqaalaha,waana wax cusub haddii mar kale uu dalku billaabo in dibadda uu wax u dhoofiyo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]