3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 4 , 2018
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo heshiis kala saxiixday

Khamiis, October, 04, 2018 (HOL)-  Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) iyo dhiggiisa dalka Sacuudi Carabiya Nabeel Al Amoudi ayaa magaalada xarunta ah ee Riyadh  ku kala saxiixdeen heshiis lagu xoojinayo wax wada qabsi dhinaca duulimaadyada labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.

"Heshiiska wuxuu qayb ka yahay dadaallada aan ku raadinayno horumarinta duulimaadyada dalka." ayuu yiri Oomaar.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya, waxaa uu sidoo kale kulan gaar ah la qaatay madaxa shirkadda Saudi Airlines oo u sheegay inay isku afgarteen  siddii khadka Soomaaliya loogu furi lahaa Saudi Airlines iyo iskaashi guud oo dhexmara.

Oomaar ayaa muddo toddobad ah oo u ku sugnaa dalka Sacuudi Carabiya , waxaa uu ka qaybgalay shirka wasiirrada Gaadiidka ee waddamada Carabta.Shirkaan ayaa waxa uu lahaa ahmiyad weyn oo ku aaddan horumarinta iyo iskaashiga waddamada Carabta ee dhinacyada gaadiidka Cirka,Dhulka iyo Duulista Hawada,waxaana gaba gabadii lagu aas’aasay urur ay ku mideysan yihiin waddamada Carabta.

Ururkaas ayaa ku howlgeli doono la socoshada nabadgelyadda hawada iyo gaadiidka Cirka,isla markaana doorweyn ka qaadan doona mideynta hannaanka amniga Gaadiidka hawada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/4/2018 3:57 PM EST
Khamiis, October, 04, 2018 (HOL) – La-taliyaha arrimaha saxaafadda ee maamulka gobolka Banaadir,Shadoor Xaaji Maxamuud ayaa xilka laga qaaday,sida ku cad qoraal ka soo baxdey xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir.

10/4/2018 3:38 PM EST
Khamiis, October, 04, 2018 (HOL) –Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Xoghahaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabishan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Haysom oo shalay soo gaaray dalka.

10/4/2018 12:18 PM EST
Khamiis, October, 04, 2018 (HOL) – Shirkii golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta lagaga hadlay diyaarinta miisaaniyada 2019-ka, deeq waxbarasho oo Itoobiya laga helay iyo teyeynta shaqaalaha dawladda iyo sidii loo horumarin lahaa.

10/4/2018 12:00 PM EST
Khamiis, October, 04, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa si rasmi ah u daah-furay qorshaha qaran ee lagu hagi doono bahda garsoorka Somaliland oo muddo dheer la isku soo dubbo-ridayey.

10/4/2018 11:05 AM EST
Khamiis, October, 04, 2018 (HOL) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho oo uu guddoominayay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, waxa ay ku ansixiyeen go’aan khuseeya hay’adaha caalamiga ah oo dhawaan ay soo saartay wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

10/4/2018 10:35 AM EST
Khamiis, October, 04, 2018 (HOL)–Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xalay duqeyn diyaarado ay ka geys-teen deegaanka Ceelcade ee gobolka Gedo sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

10/4/2018 10:15 AM EST
Khamiis, October, 04, 2018 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada oo looga hadlay qabya-tirka iyo dib-u-eegista dastuurka, amniga, siyaasadda lagula dhaqamayo hay’adaha xafiisyada ku leh dalka dibaddiisa, Istaraatiijiyadda Soo-kabashada iyo kobcinta dawladnimada iyo Hantida Qaranka

10/4/2018 7:17 AM EST
Khamiis, October, 04, 2018 (HOL) –Mukhtaar Rooboow Cali Abuu- Mansuur oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya..

10/4/2018 6:17 AM EST
Khamiis, October, 04, 2018 (HOL)–Maamul gobolleedka Galmudug ayaa eedeyn u jeediyay aqalka sare ee Soomaaliya oo ay ku sheegeen in uu ku milmay faragalinta dowladda dhexe ee ka dhanka ah Galmudug.

10/4/2018 6:05 AM EST
Khamiis, October, 04, 2018 (HOL)- Askari cabsan oo ka tirsan booliska Itoobiya ayaa bartamaha magaalada Addis Ababa ku toogtay labo askari oo ka tirsan booliska,sida u sheegay taliyaha booliska.

10/4/2018 1:48 AM EST
Khamiis, October, 04, 2018 (HOL)- Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey (UNHCR) Filippo Grandi, waxa uu kala hadlay barnaamijka dib ugu celinta dalka si iskeed ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, Yemen iyo Liibiya.

10/4/2018 1:22 AM EST
Khamiis, October, 04, 2018 (HOL)- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Soomaaliya ay dibadda wax u dhoofin doonto,arrinta oo qayb ka ah dadaallada ay mar kale Soomaaliya ku dooneyso inay isku filnaato,sida u sheegay.