4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 31, 2018
Soomaaliya oo laga reebay in lagu martiqaado furitaanka garoonka cusub ee diyaaradaha ee magaalada Istanbul

Arbaco, October, 31, 2018 (HOL) – Dowladda Turkiya ayaa waxa ay furtay garoonka diyaaradaha ugu weyn adduunyada, kaas oo ah mashruuc aad u weyn oo muujinaaya riyada Madaxweyne Erdogan ee ah in dalka Turkiya uu ka dhigo dal door weyn ku leh caalamka. Laakiin dalka Soomaliya ayaanan ka soo qeyb galin xafladdaas ay isugu yimaadeen dalalka saaxiibada waaweyn la ah dalka Turkiya, sida ay HOL ka war heshay.

Ka reebitaanka Soomaaliya laga reebay xafladdaas muhiimka ah oo ay ka soo qeybgaleen hogaamiyayaasha in ka badan 18 dal o oka mid yihiin Qadar, Suudaan, Pakistan, Serbia, iyo Uzbekistan oo fadhiya kuraasta hore ayaa loo maleynayaa inay la xiriirto taageeradii ay dowladda Soomaaliya ay u muujisay Boqortooyada Sacuudiga ee dilkii la dilay Saxafiga Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi oo lagu dilay qunsuliyadda Sacuudi Carabiya ee magaalada Istanbul bishii hore.

Dilka Khashoggi, oo wax ku qori jiray wargesyka Washington Post isla markaana ahaa nin dhaliilsan dhaxal-sugahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammad bin Salman oo ay 15 wakiil oo ka tirsan Sacuudiga ay ku dileen qunsuliyada Saudi Arabia ayaa cirka isku shareertay, taasoo keentay in dunidu ay si weyn uga xumaato dhacdadaas. Dowladda Sacuudigana waxa ay dhacdadaasi gelisay xaalado adag oo siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku muujineyso "taageerada buuxda" oo ay u muujineyso Sacuudi Carabiya, iyo in ay ka soo horjeeddo "dhammaan kuwa doonaya in ay wiiqaan kaalinta Sacuudiga". Hadalkaasi ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya waxa ay ka careysiisay dalalka Turkiga iyo Qatar, oo ah laba dal oo si weyn u maalgeliya Soomaaliya, kuwaas oo waliba walwal laga qabo inay adkeeyaan oo uu hoos u dhac ku yimaado xiriirka Soomaaliya ayaa la leeyihiin.

Turkiga ayaa weli ah maal-gashiga ugu weyn oo lamaane u ah Soomaaliya, waxayna boqolaal milyan oo doolar ku soo dareen dadaalka dib-u-dhiska Soomaaliya. Xukuumadda Turkiga ayaa sidoo kale ka dhistay caasimadda Soomaaliya mid ka mid ah safaaradeeda ugu weyn caalamka, taasoo ka tarjumaysa danaha muhiimka ah ee mudnaanta leh ee Soomaaliya, oo ah dal ka soo kabanaaya dhibaatooyinkii dagaalada sokeeye.

Madaxweyne Erdogan oo ka hadlaaya qiimaha garoonka cusub ee laga dhisay xeebaha Badda Madow, ayaa waxa uu caddeeyey in dalka Turkiga uu moqonaayo ”goobta ugu muhiimsan ee lagu kala bedesho diyaaradaha caalamka ee u kala socda wuqooyiga-koonfurta iyo bariga-galbeedka adduunka, taas oo isku xireysa 60 dal iyo $ 20 tirilliyan oo dhaqaale ah”. Madaxweyne Erdogan wuxuu intaas ku daray oo uu yiri ”annaga oo isticmaaleyna garoonka cusub ee Istanbul, waxaan sii wadeynaa doorka muhiimka ah ee dalkeena ah ee isdhexgalka dhaqaalaha caalamka" ayuu u sheegay wargayska Associated Press.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Turkiga, dhammaadka sanadkan, garoonka weyn ee diyaaradaha ee cusub in uu badali doona garoonka Ataturk International Airport, oo loogu magac daray aabbihii aasaasay Turkiga.

Sida laga soo xigtay xeeldheerayaasha, Soomaaliya waxa ay lumisay wax badan markii laga waayey ka qeyb galin xafladdaas muhiimka ah ee Turkiga, kaas oo sidoo kale ku soo beegmay 95-guuradii aasaaskii Jamhuuriyadda Turkiga.

Dowladda Soomaaliya waxay gashay aamusnaan kadib markii ay soo saartay hadalkii ay ku taageertay Sacuudiga. Waxaa kale oo maalintii Talaadada aheyd la heli waayey afhayeen u hadla dowladda Soomaaliya oo ka jawaaba ka maqnaanshada Soomaaliya ee xafladda furitaanka garoonka cusub ee Istanbul. ​