4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 31, 2018
Furitaanka kalfadhigii u dambeeyay ee Baarlamaanka Puntland oo maanta baaqday

Arbaco, October, 31, 2018 (HOL)– Kalfadhigii Baarlamaanka Puntland oo ah midkii u dambeeyay ayaa la filayay inuu maanta furmo, balse sababo aan caddeyn ayuu fadhiga u baaqday.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa u sheegay HOL, in saddex arrimood ay sabab u yihiin baaqashada fadhiga Baarlamaanka Puntland, midda koowaad ayaa ah kooram la’aan ama tiradii xildhibannada ee loo baahnaa oo aan soo xaadirin, shir-guddoonkii Baarlamaanka oo la waayay iyo Xildhibaannada oo intooda badan safaro ugu kala maqan dalka gudihiisa, kuwaas oo isugu jira laba qaybood oo kala ah  kuwo fasax ku maqan iyo kuwo  markale u hanqaltaagaya in ay dib ugu soo laabtaan Baarlamaanka  oo olole ka wada deegaannadii laga soo doortay.

Baarlamaanka Puntland ee hadda jooga  ayaa waqtigooda uu ku egyahay bisha u dambeysa sanadkan 2018-ka ee December ,iyadoo kuwa bedelaya la filayo in la soo dhamaystiro isla bisha December.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]