4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 31, 2018
Golaha iskaashiga dowlad gobolleedyada oo u jawaabay Aqalka sare

Arbaco, October, 31, 2018 (HOL)– Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada Soomaaliya ayaa ka jawaabay baaqii golaha Aqalka sare ee federaalka, kaas oo ku aaddanaa maamul-gobolleedyada inay soo magacaabaan xubno Wasiiro ah oo ka socda dowlad gobolleedyada, kuwaasoo wada-hadal la yeesha xubno wasiirro ah uu soo magacaabay Ra’iisul wasaaraha.

Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada oo warsaxaafadeedka ka soo baxay uu ka saxiixnaa madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas oo ah guddoomiyaha golaha, waxaa lagu xaqiijiyay golaha Iskaashiga dowlad gobolleedyada inuu kalsooni buuxa ku qabo doorka dhex dhexaadinta Aqalka Sare, isla markaana ay u arkaan inay tahay wado lagu gaari karo xal u helida khilaafka.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay Golugu inuu  tixgelinayo soo jeedinta Aqalka sare ee ku aaddan in la soo magacaabo xubno Wasiirro ah oo qeyb ka noqda wada-hadallada ka dhaca Muqdisho, balse horay Golaha Iskaashiga dowlad gobolleedyada ay u soo saareen war-murtiyeed si faah faahsan u qeexaya xudunta is mariga waaga , kaasoo uu aqalka sare uu nuqul ka haayo, sida lagu yiri qoraalka.

Gabagabadii, Golaha iskaashiga dowlad gobolleedyada ayaa ka dalbaday Aqalka Sare inuu wada-hadal kala yeesho dowladda Federaalka arrimaha ay tabanayaan, kaddibna wixii go’aan ah ee xal u noqon karo khilaafkan uu soo jeediyo, si uu Golaha Iskaashiga dowlad gobolleedyada dhinaciisa u aqbalo.

Warsaxaafadeedka golaha iskaashiga DGS :



Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]