4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 31, 2018
Wakiillada QM iyo Midowga Africa oo la kulmay madaxweynaha Koonfur Galbeed

 

Arbaco, October, 31, 2018 (HOL) – Wakiillada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika oo maalmihii ugu danbeeyayba waday kulamo ay la lahaayeen madaxda dowlad gobolleedyada ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaatay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Shariif Xassan Sheekh Aadan oo dhinaca kale hadda ah guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad gobolleedyada ayaa kulanka uu la yeeshay wakiilada QM iyo Midowga Africa waxaa diirada lagu saaray arrimo la xiriira siyaasada iyo khilaafka u dhaxeeya dowlad gobolleedyada iyo dowladda dhexe.

Sidoo kale kulanka ayaa leys kula soo qaaday arrimaha doorashada ku soo foolka leh maamulka Koonfur Galbeed 17ka bisha November ee sanadkan.

Wafdigan ayaa horay magaalada Kismaayo kulan kula soo qaatay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Kulamadan ayaa u muuqda kuwo loogu kala dabqaadayo dowladda dhexe ee federaalka iyo maamul gobolleedyada oo waayadii ugu danbeeyayba uu ka dhax jiray khilaaf xoogan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]