Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo xubnaha ITU ka codsaday inay taageeraan Qaraarka khuseeya Soomaaliya
Arbaco, October, 31, 2018 (HOL) – Wasiirka
Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa
sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii
isgaarsiinta iyo teknolojiyada loogu adeegsan lahaa horumarinta dhaqaalaha iyo
maamul-wanaagga, si shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan fursadaha dhaqaale
ee ay teknolojiyadu keeni karto.
Isagoo ka hadlayay Shirweynaha Midowga
Isgaarsiinta Adduunka (ITU) ee ka soconaya magaalada Dubai, ayuu Wasiir Cashuur
carrabka ku adkeeyay in horumarka Soomaaliya uu ku xirnaan doono hadba si aan u
horumarino awooddeena dhinaca teknolojiyada.
Wasiirka oo adduunyada uga warbixinayay horumarka
uu dalkeenu ka sameeyay dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada, wuxuu xusay
inay jiraan caqabado badan oo dalalka soo koraya aysan kaligood wax ka qaban
karin, loona baahan yahay in dalalka horumaray iyo kuwa soo karayaba ay ka
sameeyaan iskaashi iyo wax-wadaqabsi.
Dalkeena ayaa u gudbiyay Shirweynaha ITU qaraar
tirsigiisu yahay 160, kaas oo ay soo ansixiyeen fadhiyada ITU ee heer gobol
qaaradda Afrika iyo Carabtaba.
“Waxaan si xushmad leh u weydiisaneynaa dalalka
xubnaha ka ah ITU inay taageeraan qaraarkan Soomaaliya ka caawinaya sidii dib
loogu dhisi lahaa kaabayaasha iyo awoodda isgaarsiinta iyo teknolojiyada,” ayuu
yiri wasiirka oo intaasi raaciyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay
wada-shaqeyn iyo iskaashi la yeelato dalalka dhiggeena ah.
Shirweynaha ITU waa kulan afartii sanaba mar la
qabto oo lagu doorto hoggaanka ururka, isla markaana lagu go’aamiyo qorshaha
afarta sano ee socota ee ururka oo ay ku jiraan go’aamada la xiriira dalalka
ama arrimaha ka dhexeeya dhammaan xubnaha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]