4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 31, 2018
Ganacsatada gobolka Banaadir : Ma bixineyno lacagaha dib –u-dhiska waddooyinka


Arbaco, October, 31, 2018 (HOL) – Ganacsatada gobolka Banaadir oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa mar kale ku celiyay in aysan bixineyn lacagihii loogu tala galay dib u dhiska Wadooyinka Muqdisho ilaa laga helo gacan aamin ah oo ay ganacsatu ku kalsoonaan karaan.

Gudoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Xasan Mirre Dhiif oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ganacsatada gobolka Banaadir aysan diidaneyn in ay bixiyaan lacagaha dhismooyinka Wadooyinka, balse ganacsatadu u baahan yihiin in ay helaan gacan aamin ah ay ku kalsoonaan karaan.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Gudoomiyaha in Ganacsatada in iyagu markii hore go’aansadeen in ay dhisaan wadooyinka magaalada , balse hada arintu noqotay mid dhinac kale loo leexiyay loona sameestay akoono gaar ah lacagihii ay ganacsatada ku bixin jireen dhismaha Wadooyinka.

Ganacsatadii kale ee kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay jiraan dad gaar ah oo doonaya in si xoog ah ganacsatada looga qaado lacago aysan raali ka aheyn, waxa ayna dowlada ugu baaqeyn in aan awood loo adeegsan ganacsatada canshuur bixiyaasha ah.

Ugu Dambeyn ganacsatada kulanka ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay in la xayiray badeecooyinkii ay kala soo bixi jireen Dekadda Muqdisho, waxa ayna Wasaarada Gaadiidka ugu baaqeyn in ay soo fara galiso arintaasi loona ogolaado in alaabtooda gaadiidka usoo qaadaan ama loo fasaxo gaadiidkooda gaarka ah si ay usoo rartaan badeecadahooda.

Halkan ka Akhriso Bayaan ay soo saareen ganacsatada gobolka Banaadir :

Annagoo ah ganacsatad Gobolka Banaadir ahna hal-abuurkii iyo maaligiliyeyaasha dhismaha waddooyinka muqdisho, waxaan caddeyneynaa annagoo ka duuleyna masuuliyadda guud ee naga saaran dalka inaan si iskeen ah iskula garanay inaan bixino qarashaadka dhismaha waddooyinka gobolka Bannadir, waxaan iska dhex dooranay guddi noo maamula maaliyadda iyo dhismooyinka waddooyinka, laakiin nasiib daro guddigii dhismaha waddooyinka ayaa iska casilay xilkii ay noo hayeen 18-10-2018 taas oo keentay inay ganacsatadu joojiyaan lacagihii joogtada ahaa ee ay bixin jireen maadaama ay Meesha ka baxday cidii lagu wada kalsoonaa ee lagu aaminay lacagta iyo masuuliyadda.

Sidaas darteen waxaan halkaan ka caddeyneynaa in:

 1. Lacagta dhismaha waddooyinku ay tahay Sadaqo ama samafal ganacsatadu iskood isugu waajibiyeen kana madax banaan laamaha canshuuraha dowlada.

2. Guddigii dhismaha waddooyinka ee wada oggolka ahaa Meesha ka baxay guddi kale aan weli la dooran.

3. Ganacstada dhexdooda inaan awood iyo ismuquunin lagu dayin lagana fogaado waxkasta oo cuuryaamin kara howlaha samafalka ee dhismaha waddooyinka iyo midnimada ganacsatada.

4. Ganacsatada Gobolka waxa ay diyaar u yihiin inay lacagtii dhismaha waddooyinka dib u billaabaan markii lasoo dhiso guddi lawada oggolyahay oo ka madax banaan gacan saddexaad.

5. Waxaan ka codsaneynaa Wasaaradda gaadiidka in noola qaado badeecadeena dekadda Muqdisho nooga xayiran ama noo ogolaato in aan keensano gaadiidkeena si aan badeecadeena aan u rarano.

6. Dowladda waxaan ka codsaneynaa in aynan ku lugyeelan duminta howlaha samafalka ay isku xilqaameyn ganacsatada gobolka Banaadir ayna fiiro gaar ah u yeelato cida u isticmaaleysa awood dheeraad ah.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa oo ifbaxayay khilaaf xoogan oo arintan ka taagnaa, iyadoo maamulka gobolka Banaadir uu kol hore ka codsaday ganacsatada in ay bixiyaan lacagta dib-u-dhiska waddooyinka caasimada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]