3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 31, 2018
Dowladda Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka oo kala saxiixday mashruuc ku kacaya $80 milyan

 

Arbaco, October, 31, 2018 (HOL) – Xukuumadda Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka ayaa maanta ku kala saxiixday magaalada Muqdisho qeybtii u horeysay ee mashruuca $80 Milyan ee Bankiga Adduunka ugu deeqay Soomaaliya, kaasoo lagu fulinayo mashaariicda horumarineed.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Agaasimaha Bankiga Adduunka ee Bariga Afrika Bella Bird ayaa kala saxixday heshiiska ku kacaya 80 Milyan.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in Bankiga Adduunka uu soo dhoweeyay hannaanka dowladda Federaalka uga shaqeeyeen barnaamijka deyn cafinta, isagoo xusay in Bankiga Adduunka uu ku abaal marinayo Soomaaliya lacag gaareysa $140 Milyan oo qeybtii koowaad ee $80 Milyan oo ansixiyay Guddiga sare ee Baniga Adduunka.

Agaasimaha Bankiga adduunka ee Bariga Afrika Bella Bird ayaa sheegtay in Bankiga adduunku uu aad ugu amaanayo dawladda Soomaaliya sida ay xil isaga saartay horumarinta dhaqaalaha iyo geedi socodka hannaanka cafinta daymaha.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in heshiiska maanta ay kala saxiixdeen Bankiga Adduunka iyo heshiiskii dhawaan dawladdu la saxiixatay Midowga Yurub in ay muujinayaan dadaalka xoogga badan ee ay dawladdu ay ku doonayso in ay dib ula fal-gasho caalamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu ammaanay inay horumar ka sameysay hanaanka daah furnaanta Maaliyadda, iyadoo weli wajaheyso shuruudo kala duwan oo qeyb ka ah barnaamijka deynta looga cafinayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/31/2018 1:31 PM EST
Arbaco, October, 31, 2018 (HOL) – Dowladda Turkiya ayaa waxa ay furtay garoonka diyaaradaha ugu weyn adduunyada, kaas oo ah mashruuc aad u weyn oo muujinaaya riyada Madaxweyne Erdogan ee ah in dalka Turkiya uu ka dhigo dal door weyn ku leh caalamka. Laakiin dalka Soomaliya ayaanan ka soo qeyb galin xafladdaas ay isugu yimaadeen dalalka saaxiibada waaweyn la ah dalka Turkiya, sida ay HOL ka war heshay.

10/31/2018 1:21 PM EST
Arbaco, October, 31, 2018 (HOL)– Kalfadhigii Baarlamaanka Puntland oo ah midkii u dambeeyay ayaa la filayay inuu maanta furmo, balse sababo aan caddeyn ayuu fadhiga u baaqday.

10/31/2018 1:10 PM EST
Arbaco, October, 31, 2018 (HOL)– Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada Soomaaliya ayaa ka jawaabay baaqii golaha Aqalka sare ee federaalka, kaas oo ku aaddanaa maamul-gobolleedyada inay soo magacaabaan xubno Wasiiro ah oo ka socda dowlad gobolleedyada, kuwaasoo wada-hadal la yeesha xubno wasiirro ah uu soo magacaabay Ra’iisul wasaaraha.

10/31/2018 11:07 AM EST
Arbaco, October, 31, 2018 (HOL)–Xisbiyada mucaaradka ah ee WADANI iyo UCID oo gaargaar ula hadlay warbaahinta, ayaa madaxweynaha ku eedeeyeen inuu masuuliyadeeda qaadayo hadii doorashaddu dib uga dhacdo wakhtigeedii.

10/31/2018 9:42 AM EST
Arbaco, October, 31, 2018 (HOL)–Wakiillada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika oo maalmihii ugu danbeeyayba waday kulamo ay la lahaayeen madaxda dowlad gobolleedyada ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaatay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan.

10/31/2018 9:31 AM EST
Arbaco, October, 31, 2018 (HOL) – Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii isgaarsiinta iyo teknolojiyada loogu adeegsan lahaa horumarinta dhaqaalaha iyo maamul-wanaagga, si shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan fursadaha dhaqaale ee ay teknolojiyadu keeni karto.

10/31/2018 9:24 AM EST
Arbaco, October, 31, 2018 (HOL) – Ganacsatada gobolka Banaadir oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa mar kale ku celiyay in aysan bixineyn lacagihii loogu tala galay dib u dhiska Wadooyinka Muqdisho ilaa laga helo gacan aamin ah oo ay ganacsatu ku kalsoonaan karaan.

10/31/2018 7:38 AM EST
Arbaco, October, 31, 2018 (HOL) –Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa amray ciidamada nabad-galyada in xabsiga loo taxaabo Duqa degmada Beledweyne Cali Cabduqaadir Faarax Sandheere iyo labo mas’uul kale oo ka tirsan maamulka dowladda hoose.

10/31/2018 2:59 AM EST
Arbaco, October, 31, 2018 (HOL) – Ergayga gaarka ah ee geeska Afrika u qaabilsan hay'adda qaxootiga QM ee UNHCR ,Ambassador Maxamed Cabdi Afey oo booqasho ku jooga dalka Canada ayaa la kulmay wasiirka socdaalka, jinsiyadaha iyo arrimaha qaxootiga Canada, Axmed Xuseen.

10/31/2018 2:24 AM EST
Arbaco, October, 31, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka dhoofay caasimadda Muqdisho, isagoo ku sii jeedda dalka Koonfurta Suudaan.

10/31/2018 1:12 AM EST
Arbaco, October, 31, 2018 (HOL) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, ayna xubno ka yihiin mas'uuliyiinta Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa ka qeyb galaya shirweynaha ugu sarreeya ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) oo ka furmay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

10/31/2018 12:42 AM EST
Arbaco, October, 31, 2018 (HOL) –Iyadoo 17ka bisha November ee nagu soo foolka leh la filayo doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed waxaa soo baxaya digniinno loo jeedinayo ciidamada qalabka sida looga digayo in ay ku milmaan arrimaha siyaasada ama doorashada Koonfur Galbeed oo ay isku hayaan musharixiin dhowr ah.