4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 31, 2018
Guddoomiyaha G Hiiraan oo shaqo joojin ku sameeyay duqa degmada Beledweyne amray-na in la soo xiro

 

Arbaco, October, 31, 2018 (HOL) –Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa amray ciidamada nabad-galyada in xabsiga loo taxaabo Duqa degmada Beledweyne Cali Cabduqaadir Faarax Sandheere iyo labo mas’uul kale oo ka tirsan maamulka dowladda hoose.

Gaar ahaan guddoomiyaha gobolka oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay duqa degmada in uu sameeyay sida uu hadalka u dhigay amar diido kaddib markii looga yeeray ayuu yiri xafiiska maamulka gobolka.

‘’Duqa degmada Beledweyne waan u yeer-nay, laakiin waa uu diiday, taa badalkeeda waxaa uu ka doorbiday boob-ka hantida dadka, sidaa daraadeed waxaan ku war-galinayaa laamaha amniga in tallaabo adag oo degdeg ah laga qaado’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Laakiin dhinaca kale duqa degmada Beledweyne Cali Sandheere ayaa sheegay in shaqo ka joojinta uu sameeyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan tahay mid  sharci darro ah, waxaana uu ku eedeeyay guddoomiyaha in uu weerar ku soo qaaday saakay xarunta dowladda hoose ee degmada Beledweyne.

Mas’uuliyiinta sare ee maamulka Hirshabeelle ayuu ugu baaqay duqa degmada in ay arintan soo fara-galiyaan kana bixiyaan sida uu hadalka u dhiggay jawaabta ku haboon.

Mas’uuliyiinta kale ee guddoomiyuhu shaqo joojinta ku sameeyay ayaa waxaa ay kala yihiin Xogyihii dowladda hoose iyo agaasimaha waaxda dhulbixinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]