Hiiraan Online
4/26/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 31, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Koonfurta Suudaan
Arbaco, October, 31, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka dhoofay caasimadda Muqdisho, isagoo ku sii jeedda dalka Koonfurta Suudaan.
Madaxweyne Farmaajo , ayaa uga qaybgalaya dalka Koonfurta Suudaan munaasabad lagu dhammeystirayo heshiiska nabadda ee dhinacyada isku haya siyaasadda dalkii ugu dambeeyay Afrika.
Xalfadda waxaa kalo ka qaybgalaya hoggaamiyayaasha Midowga Afrika iyo ururka gobolka ee IGAD, kuwaas oo si dhow ula socday xaaladda dalka Koonfurta Suudaan oo dhinacyada siyaasadda isku haya ay dhowr mar ku dagaallameen.
Dowladda Koonfurta Suudaan iyo fallaagada ayaa kala saxiixday heshiis dhanka amniga ah oo lagu doonaya in xabad joojin waarta laga dhaqan geliyo dalkaasi horraantii bishii Luulyo ee sanadka 2018-ka. Heshiiska ay wada gaareen madaxaweynaha Koonfurta Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar ayaa dhigayay in xabad joojin lagu tallaabsado.
Heshiiskan wuxuu ka qayb yahay dadaalka ay wadaan hoggaamiyeyaasha dalalka bariga Afrika oo ay ku doonayaan in xabad joojin laga hergeliyo dalka Koonfurta Suudaan.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]