3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 30, 2018
AMISOM oo beenisay in 30 Askari looga dilay Qarax miino gobolka Hiiraan

 

Talaado, October, 30, 2018 (HOL) – Howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal ka soo yeeray Ururka Al-shabaab oo sheegtay in ay qarax ku dileen 30 askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

War ka soo baxay Taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamada oo ka anbabaxay magaalada Beledweyne kuna sii jeeday dhinaca deegaanka Kala-Beyr oo Waqooyi ka xiga magaalada ku dhaawacmeen oo kaliya afar askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM.

‘’Waa been abuur wararka sheegaya in Al-shabaab Qarax miino ku dileen 30 Askari, waa warar marin habaabin ah oo la doonayo in dadka lagu qaldo’’ ayuu yiri warsxaafadeedka ka soo baxay howlgalka midowga Africa.

Weerarka oo dhacay maalintii shalay waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab oo war ay soo saareen ku sheegay in ay dileen 30 Askari islamarkaana bur buriyeen gadiid ay la socdeen ciidamada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/30/2018 12:28 PM EST
Talaado, October, 30, 2018 (HOL)–Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey ayaa ka hor yimid qodobbadii ka soo baxay shirkii madaxda maamul-gobolleedyada ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe.

10/30/2018 11:31 AM EST
Talaado, October, 30, 2018 (HOL)–Kulamo iska soo horjeeda ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool, taas oo midba midka kale ku eedaynayo in ay khalad ku socdaan.

10/30/2018 9:09 AM EST
Talaado, October, 30, 2018 (HOL)-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya koox hubeysan oo dulleedka magaalada Muqdisho toogasho ku dishay Shan ruux oo la sheegay in ay la socdeen gaari marayay inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha Biyaha.

10/30/2018 7:00 AM EST
Talaado, October, 30, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa beddelay saraakiisha iyo ciidanka ilaalada madaxtooyadda maamulka, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ku dhow madaxtooyadda.

10/30/2018 6:38 AM EST
Talaado, October, 30, 2018 (HOL) – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee dalka Spain ayaa shaqadii tabbabaranimo ka caydhisay Julen Lopetegui,kaas oo kooxda ka dhisan caasimadda Madrid maamullayay kaliya 14 kulan.

10/30/2018 6:06 AM EST
Talaado, October, 30, 2018 (HOL) – Madaxa xakuumadda Galmudug,Sheekh Axmed Shakiir ayaa soo dhaweeyay baaqii madaxweynaha dowladda federaalka , Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku aaddanaa ka qaybgalka shir wada-tashi ah, taasina waxay dhibaato ku tahay madaxweynaha dowlad-gobolleedka ,Axmed Ducaale Xaaf.

10/30/2018 5:42 AM EST
Talaado, October, 30, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ciddi ugama qaybgalin mashruuca lagu dhagax dhigayay garroonka Istanbul oo qayb cusub lagu kordhiyay,iyadoona hoos u dhacay xiriirkii kala dhaxeeyey Turkiga kaddib markii dowladda Soomaaliya taageertay Sacuudi Carabiya xiisaddii ka dhalatay dilka wariyaha Jamaal Khashoggi.

10/30/2018 5:22 AM EST
Talaado, October, 30, 2018 (HOL) – Rag ku labisnaa dirayska ciidamadda ayaa xalay waxa ay ku dileen bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo ,Yaxye Cabdirisaaq Xaaji oo ka mid ahaa ardayda wax ka barata jaamacadaha Garoowe.

10/30/2018 4:23 AM EST
Talaado, October, 30, 2018 (HOL) -Maraakiibta ilaalada Badda ee Midowga Yurub ayaa Doon ay wateen kooxaha burcad badeeda ku qarxiyay xeebaha dalka Soomaaliya.

10/30/2018 4:05 AM EST
Talaado, October, 30, 2018 (HOL) -Talaado, October, 30, 2018 (HOL) -Nin kalkaaliye caafimaad horay uga ahaan jirtay dalka Jarmalka oo lagu eedeeyay in uu dilay 100 ruux oo bukaan ah ayaa hortagi doona maxkamad ku taallamagaalada Oldenburg ee dhanka waqooyiga ku taalla.

10/30/2018 12:26 AM EST
Talaado, October, 30, 2018 (HOL) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan oo ah madaxda xukuumadda dowlad gobolleedka Galmudug ee fadhiggiisu yahay degmada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegay in Galmudug oo dhaweyneyso sida uu hadalka u dhigay baaqii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si xal loogu helo khilaafka jira.