4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 30, 2018
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Camey: Go’aamaadii ka soo baxay shirkii Garoowe waa riyo aan suurtagal ahayn

 

Talaado, October, 30, 2018 (HOL) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey ayaa ka hor yimid qodobbadii ka soo baxay shirkii madaxda maamul-gobolleedyada ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe.

“Go’aamaadasi waxaan u arkaa riyo maalmeed aan suuragal ahayn, qof kastoo Soomaali ah wuu la yaabay, iyagana uma aha suuragal, dalkana suuragal kama aha, khaladka waa loo wada jeedaa wuxuu ahaa go’aan aan laga fiirsan.”ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo la hadlay idaacadda maxalliga ah Kulmiye ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu ku eedeyay hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada in ay sabab u yihiin khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka, isagoo dhanka kalana soo dhaweeyay go’aankii uu qaatay madaxa xakuumadda Galmudug, kaaso isna ka soo horjeestay qodobbada shirka Garoowe.

“Waxaan si weyn u boggaadinayaa saaxiibkay Sheekh Axmed Shakiir oo talaabo muhiim ah qaaday.. Waxaan ku baaqayaa in wax kasta lagu xalliyo wadahadal.” ayuu yiri Camey oo sidoo kale soo dhaweeyay saraakiishii ka hor yimid shirkii Garoowe ee madaxweyne Gaas uu xilka ka qaaday iyo Culimada Puntland.

Camey ayaa sidan oo kale uga soo horjeestay shirkii maamul-gobolleedyada ee Kismaayo , iyadoo hadalkiisan uu kor u qaadayo ismarin-waaga u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online 

[email protected]