4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 30, 2018
Khilaaf ka taagan golaha degaanka degmada Laascaanood

 

Talaado, October, 30, 2018 (HOL) – Kulamo iska soo horjeeda ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool, taas oo midba midka kale ku eedaynayo in ay khalad ku socdaan.

Kulan ay saxaafada u qabteen todoba xildhibaanimada golaha deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay mooshin ka dhan ah maayirka u gudbiyeen wasiirka arimaha gudaha Somaliland, Gudoomiyaha gobolka iyo maayirka.

"Mooshin-kan waxaa saxeexay sagaal xildhibaan halka xeerku ogol yahay in mooshinka todoba xildhibaan ka keeni karaan" sidaa waxa yidhi ku Xigeenka maayirka oo intaas raaciyey in ay maamul xumo baahsan ay sababtay arintan in ay ku talaabsadaan.

Dhinaca kale kulan ay yeesheen 13 xildhibaan oo shirgudoonkiisa daadijinayey Duqa degmada Laascaanood C/casiis Xusseen Xassan oo ay ku sheegeen in aysan jirin wax dhib iyo musuqmaasuq ah oo goluhu galay balse ay jiraan oo wada mooshin.

"Ma jirto waraaq isoo gaadhey oo sharciya, waa taas warqada lay-keenay waxa ay ku socotaa Wasiirka Arimaha Gudaha, Gudoomiyaha gobolkana ogasiin ayay siiyeen ana iguma socoto, marka waad aragtaan dadka wax sheegaya aqoontoodu sida ay tahay.

Ololaha haatan bilawga ah ayaa waxaa bilawday Fahiima Quuje oo ah xildhibaanada keliya ee dumar ku taraxda golaha oo haatan iyadu j taagan in ay xilka Gudoomiyaha degmada Laascaanood iyadu isu soo taagto.

Hadal haynta dadweynaha ayaa si aad ah u mashquulisay sida ay suuragal u noqonayso riyada Fahiima oo si aad ah uga dhexmuuqata golaha, inay dhiiranaan leedahayna waa loo qiray waxaase isweydiin leh moojado culus oo hortaagan sidii ay isga banbaanin lahayd.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online.

[email protected]

Laascaanood, gobolka Sool.