4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 30, 2018
Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Shan ruux oo lagu dilay dulleedka Muqdisho

 

Talaado, October, 30, 2018 (HOL) -Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxa  koox hubeysan oo dulleedka  magaalada Muqdisho toogasho ku dishay Shan ruux oo la sheegay in ay la socdeen gaari marayay inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha Biyaha.

Weerarka ayaa  Shan ruux ee lagu dilay la sheegay in saddex ka mid ah aheeyeen walaalo sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Ilaa iyo hadda lama oga dadka la dilay in ay ka tirsanaayeen dowladda iyo ay ahaayeen dad rayid ah, sidoo kale lama oga cida ka danbeysa dilkooda, laakiin warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ururka  Al-shabaab sheegteen toogashadan ka dhacday dulleedka Muqdisho.

Gaariga weerarka lagu qaaday ayaa gaar ahaan marayay deegaanka Lafoole isagoo ku soo jeeday magaalada Muqdisho.

Dableydii falkan geystay ayaa goobta ka baxsaday iyadoo markii dambe ay goobta  gaareen ciidamada amniga oo xiray goobtaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]