4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 30, 2018
Madaxweynaha maamulka Koonfurgalbeed oo isbedel ku sameeyay saraakiisha iyo ciidanka ilaalada madaxtooyadda

Talaado, October, 30, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa beddelay saraakiisha iyo ciidanka ilaalada madaxtooyadda maamulka, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ku dhow madaxtooyadda.

Warar kale oo laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in lagu xareeyay dhammaan ciidanka madaxtooyadda dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed xero ku taalla gudaha magaalada Baydhabo, la-taliyayaal dhinaca amniga ayaa u soo jeediyay madaxweynaha Koonfurgalbeed is beddelka uu ku sameeyay ilaalada madaxtooyadda, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Ciidan cusub ayaa la sheegay in hadda lagu wareejiyay amniga madaxtooyadda Koonfurgalbeed, mana jiro hadal ka soo baxay madaxweynaha Koonfurgalbeed oo is beddelkan looga hadlay.

Lama oga go'aankan inuu la xiriiro doorashada madaxweynaha Koonfurgalbeed ee ka dhacaysa Baydhabo,iyadoo ciidanka amniga maamulka qaarkood la sheegay inay daacadnimo u muujiyeen musharrixiinta la beesha ah ee kula tartamaya xilka madaxweynaha maamulka, Shariif Xasan oo mar kale doorashada ka qaybgalaya.

Dhanka kale, xildhibaan Ilyaas Cali Xasan oo ka tirsan golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka dowladda federaalka ayaa walaac ka muujiyay xaaladda amni ee magaalada Baydhabo iyo faregalinta doorashada madaxweynaha,waxa uu shacabka ugu baaqay inay midnimadooda adkeeyaan.

Doorashada madaxweynaha ee maamulka Koonfurgalbeed ayaa lagu wadaa inay qabsoonto 17-ka bisha dambe ee November,iyadoo maalmihii dambe ay gaareen magaalada Baydhabo musharrixiin ay la socdaan ciidammo iyo gaadiidka aysan xabaddu karin, dowladda federaalka ayaa lagu eedeyay musharrixiinta qaar inay taageerrayso.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]