4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 30, 2018
Soomaaliya oo aan lagu casuumin ka qaybgalka garroonka ugu wayn ee laga furayo Istanbul

Talaado, October, 30, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ciddi ugama qaybgalin mashruuca lagu dhagax dhigayay garroonka Istanbul oo qayb cusub lagu kordhiyay,iyadoona hoos u dhacay xiriirkii kala dhaxeeyey Turkiga kaddib markii  dowladda Soomaaliya  taageertay Sacuudi Carabiya xiisaddii ka dhalatay dilka wariyaha Jamaal Khashoggi.

In ka badan 18 hoggaamiye oo ka socday dalalka Qatar,Suudaan, Pakistan, Serbiya, Uzbekistan iyo dalal kalle ayaa ka qaybgalay munaasabadda ,sida ay ku warrantay warbaahinta Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga ,Recep Tayyip Erdogan ayaa dhagax dhigey mashruuc weyn oo lagu ballaarinayo garoonka diyaaradaha Istanbul taasoo haddii la soo dhamaystiro uu noqon doono mid kamid ah garoomada diyaaradaha caalamka ugu weyn.

"Istanbul waa dheeman qurux badan oo u dhexeysa labo bad taasina waa sababta aan ugu magac darnay garoonkan Istanbul." ayuu yiri Erdogan oo munaasabadan ka sheegay in ay ku soo beegantay sannad-guuradii 95aad ee aasaaska Jamhuuriyada Turkiga.

Qiimaha bilowga u ah dhismaha garoonka ayaa waxaa lagu sheegay $7.2bn, waxaana la filayaa inuu gaaro lacag ka badan $30.65bn oo ay dowlada Turkigu bixinayso. Dhamaadka sanadka 2018 ayaa la filayaa in 90 million oo ruux ay isticmaalaan garoonka halka marka la dhameeyo dhismaha 2028 ay gaari doonaan rakaabka isticmaali doona garoonka illaa 200 oo malyan oo ruux.

Garoonka ayaa waxaa ku degi doona maalintii laba kun oo duulimaad oo caalamka ah dhammaadka sanadkan, waxaana mashruucan maalgelinaya dowladda Turkiga.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]