4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 30, 2018
Rag ku labisnaa dirayska ciidamadda oo Garoowe ku dilay wiil Arday ah

Talaado, October, 30, 2018 (HOL) –  Rag ku labisnaa  dirayska ciidamadda  ayaa xalay  waxa ay ku dileen bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta Puntland,  nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo ,Yaxye Cabdirisaaq Xaaji oo ka mid ahaa ardayda wax ka barata jaamacadaha Garoowe.

Ardaygan ayaa wax ka dhigan jiray jaamacadda Boosaaso fara-ceedda  magaaladda Garoowe,wararku waxaa ay inta ku darayaan in ragga dilka geystay ay markii hore ninka dhallinyarada ah ka qaateen talefoonka gacanta, xilligaa oo ay la socotay gabar ka mid ahayd ardayda jaamacadda ay isla dhigtaan, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Ciidanka amniga oo howlgal sameeyay ayaa la sheegay inay gacanta ku soo dhigeen ragga dilka geystay, sida u sheegay taliyaha saldhigga dhexe ee magaalada Garoowe,Dhamme Maxamuud Muuse Bile(Fardafuul).

Taliyaha saldhigga ayaa inta ku daray in dilka uu ka dambeeyay askari ka tirsan ciidanka booliska magaalada Garoowe, waxa uu xaqiijiyay dhawaan in calaadda la horkeennayo.

Dilalka noocan ah oo ay geystaan rag ku labisan dirayska ciidanka ayaa muddooyinkii dambe ka dhacayay magaalooyin ka tirsan Puntland,iyadoo hay'adaha ammaanka ay shaaca ka qaadeen in si adag loola dagaallami doona kooxaha dhaca geysta.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]