4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 30, 2018
Doon ay wateen Burcad Badeed oo la bur buriyay

 

Talaado, October, 30, 2018 (HOL) -Maraakiibta ilaalada Badda ee Midowga Yurub ayaa Doon ay wateen kooxaha burcad badeeda ku qarxiyay xeebaha dalka Soomaaliya.

Kooxda burcad badeeda ayaa isku dayayday inay afduubtaan Markab xamuul ah oo sitay calanka Hong Kong.

Ciidamada Midowga Yurub ayaa waxa ay sheegeen inay burburiyeen Doonta, si ay uga hortagaan weeraro horleh.

Burcad badeeda ayaa rasaas ku furay Markab marayay badweynta Hindiya horaantii bishan, weerarkaasina wuxuu noqday mid aan guuleysan.

10-kii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa hoos u dhacay tirada Maraakiibta ee burcad badeeda ay ka afduubtaan xeebaha dalka Soomaaliya.

Waa weerarkii Labaad oo sanadkan ka dhaca xeebaha dalka oo ay Buracadda badaha ku qaadaan Maraakiib islamarkaana guul darreysta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]