4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 30, 2018
Sheekh Maxamed Shaakir : Waan soo dhaweynayaa gogosha uu ku baaqay madax-weynaha Soomaaliya

 

Talaado, October, 30, 2018 (HOL) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan oo ah madaxda xukuumadda dowlad gobolleedka Galmudug ee fadhiggiisu yahay degmada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegay in Galmudug oo dhaweyneyso sida uu hadalka u dhigay baaqii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si xal loogu helo khilaafka jira.

Go’aanka uu qaatay Sheekh Maxamed Shaakir ayaa u muuqda mid ka horimanaya kan madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo qeyb ah golaha Iskaashiga dowlad gobolleedyada oo iyagu si toos ah uga horyimid baaqa madaxweynaha.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ugu baaqay inay midoobaan, islamarkaana muujiyaan tanaasul, iyada oo la xusuusanayo weerarkii Soomaalida badan ay ku dhimatay ee 14-kii October 2017 ka dhacay isgoyska Zoobe.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]