4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 3 , 2018
Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Ciraaq
Madaxweynaha cusub ee dalka Ciraaq Barham Saalah
Madaxweynaha cusub ee dalka Ciraaq Barham Saalah

Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)-  Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee dalka Ciraaq Barham Saalah.

Farmaajo ayaa u rajeeyay inuu Madaxweyne Barham xilkiisa u fududeeyo, isla markaana shacab weynaha dalkaasi uu u noqdo mid ay mahadiyaan.

Madaxweynaha cusub ee dalka Ciraaq Barham Saalah, ayaa ah siyaasi caan ka ah dalkaas, isla markaana ka tirsan Xisbiga Kurdida ee [Patriotic Union of Kurdistan], waxanay xildhibaannada Ciraaq oo ka kooban 329 xubnood, 220 ka mid ah codkooda siiyeen hoggaamiyaha cusub.

Awood-qeybsiga dalka Ciraaq ayaa ah 3.5, Shiicada, Sunnida, Kurdida iyo inta kale ayaa loogu kala qeybiyey in xilka madaxweynaha uu qabto siyaasi Kurdi ah, inkastoo xilkaasi uu yahay mid awood kooban, halka Ra'iisul wasaaraha ay leedahay Shiicada oo ah kuwa ugu badan dalkaasi iyo Sunnida oo qabta xilka guddoomiyaha Baarlamaanka.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]