4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 3 , 2018
Qof rayid ah oo lugu dilay magaalada Boosaaso

Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)-   Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeryooday toogasho ka dhacday magaalada dekedda leh ee Boosaaso, sida ay sheegeen booliska.

Dablay aan la aqoonsan ayaa la sheegay inay toogasho ku dileen Saciid oo ku magac dheeraa Ina Maqadeeye, waxa uuna ahaa madaxii iskaashatada gaadiidlayda Isgoyska Xalwo Banaadir ee magaalada Boosaaso.

Ma jirto warbixin ka soo baxday hay'adaha ammaanka oo dilkan looga hadlay, sidoo kale waxaa markiiba isgoyska Xalwo Banaadir oo toogashada ay ka dhacday ka baxsadey kooxda fulisay.

Ciidamadda ammaanka ayaa goobta gaaray, iyadoo ay ka sameeyeeyn howl galo, kaasi oo saameyn ku yeeshay isu socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada dilkan, balse warar aan wali xaqiijin ayaa sheegaya kooxda Daacish inay sheegatay dilkan oo ku soo aaday xilli toddobadyadii u dambeeyay ay magaalada Boosaaso ka dhacayeen dilal dhowr ah,iyadoo labo habeen ka hor saddex nin oo ka soo jeedda dalka Itoobiya lugu dilay magaalada Boosaaso.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]