4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 3 , 2018
Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada oo ka hor yimid go'aankii Aqalka sare

Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)-  Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada ayaa sheegay in ay lama filaan ku noqotay war-murtiyeed uu Aqalka sare ka soo saaray 2-dii bishan xaaladda dowlad-gobolleedka Galmudug.

Hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada ayaa u muuqday inay taageerrayaan madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug, waxaana war-murtiyeed ay maanta soo saareen ku sheegeen in goluhu uu ka walaacsan yahay in la dhinac maray war murtiyeedkii ay ka soo saareen magaalada Kismaayo gaar ahaan qodobkiisa 3.9 kaasoo ka digayay fara-gelinta arrimaha gudaha ee dowlad-goboleedka Galmudug.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale  ugu baaqay Aqalka sare inay qadariyaan mowqifka dowlad-gobolleedyada.


Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]