3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 3 , 2018
Shaqaalaha hagista diyaaradaha ee Garoonka Muqdisho oo shaqo joojin sameeyay

 

Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)- Shaqo joojintan ay maanta sameeyeen shaqaalaha hagista diyaaradaha garoonka Aadan Cadde (Air Marshal) ee magaalada Muqdisho ayaa ka salka ku heysa khilaaf muddo dheerba soo jiitamayay oo u dhexeeyay shirkad maamusha garoonka iyo shaqaalaha Soomaalida ah.

Tallaabadan ay qaadeen shaqaalaha ayaa saameyn ku yeelatay howlihii garoonka iyo waliba adeegyadii kala duwanaa ee dulimaadka diyaaradaha, wallow haddana garoonku meelaha qaar howlihiisii iska sii watay.

Qaar ka mid ah howlwadeennada garoonka ayaa sheegay in ay arintan ka bilaabatay kaddib markii shirkadda Favori LLC oo maamusha garoonka ay shaqada ka eryeen horjoogihii shaqaalaha hagista diyaaradaha, taasii ay caro weyn ka muujiyeen shaqaalaha.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa sii xogeynsanayay cabasho shaqaalaha garoonka gaar ahaan qeybta hagista diyaaradaha ay ka qabeen shirkadda maamusha garoonka oo laga leeyahay dalka Turkiga.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay arintan ka soo saareen maamulayaasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo la xiriirta shaqo joojinta la sheegay in ay maanta sameeyeen shaqalaaha hagista diyaaradaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/3/2018 5:03 PM EST
Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee dalka Ciraaq Barham Saalah.

10/3/2018 4:54 PM EST
Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)- Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeryooday toogasho ka dhacday magaalada dekedda leh ee Boosaaso, sida ay sheegeen booliska.

10/3/2018 4:36 PM EST
Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)- Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada ayaa sheegay in ay lama filaan ku noqotay war-murtiyeed uu Aqalka sare ka soo saaray 2-dii bishan xaaladda dowlad-gobolleedka Galmudug.

10/3/2018 4:21 PM EST
Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)- Gobollada iyo tuulooyinka Dawlad Deegaanka Soomaalida waxaa ku wada sugan ciidammada Liyuu booliiska iyo askar ka tirsan Jabhadda ONLF oo xabbad joojin iskeed ah ku dhawaaqday.

10/3/2018 1:33 PM EST
Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)- Ergeyga cusub ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u soo magacaabay Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

10/3/2018 9:13 AM EST
Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)- Labada xisbi mucaarad ee WADAN iyo UCID ayaa sheegay in kulamo ay la yeesheen xisbiga kulmiye iyo madaxweynahaba uu ku dhamaatay natiijo la’aan ka dib markiii qodobo ay usoo jeediyeen xisbiyada mucaaradku ay diideen ama aqbali waayeen.

10/3/2018 8:38 AM EST
Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tagay iskuulka Jabuuti oo ka mid ah iskuulladii dhawaan ay la soo wareegtay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

10/3/2018 6:26 AM EST
Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)– Madaxweynihii hore ee Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb-galay fadhigii Baarlamaanka oo la filayo in lugu soo gabagabeeyo doodda xeer hoosaadka Baarlamaanka oo maalmihii la soo dhaafay Xildhibaannada ka doodayeen wax ka bedelka.

10/3/2018 5:37 AM EST
Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)– Gobolka ay ku noolyihiin dadka ugu badan ee ku hadla afka Faransiiska ee dalka Canada ayaa qaadaya tallaabooyin wax u dhimaya dadka soogalootiga ah iyo muslimka.

10/3/2018 5:33 AM EST
Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in maamulka gobolka uu xabsiga dhiggay saraakiil ka tirsan hay’adda nabad-sugida.

10/3/2018 5:10 AM EST
Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)– Xukuumadda dalka Iiraan ayaa xasuusisay Marekanka inay diyaar u yihiin wada-hadallo dib loo billaabo,kaddib markii uu Marekanka ka baxay heshiiskii Nukliyeerka Iiraan ee sanadkii 2015-kii.

10/3/2018 3:43 AM EST
Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)– Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Deeqa Yaasiin ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka Talaadadii ku saxiixday ka mid noqoshada Soomaaliya ee Qaraarka Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada ah.

10/3/2018 3:26 AM EST
Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)- Waxaa durbaba soo ifbaxaya khilaaf dhinaca maaliyada ah oo soo kala dhaxgalay guddoomiyahay dhawaantan la magacaabay ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-Geed iyo maamulka maaliyada Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan.

10/3/2018 2:13 AM EST
Arbaco, October, 03, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sheegtay in ay gacan militari siineyso dadka is abaabulay ee dagaalama xoogagga Al-shabaab kaddib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe ka dhaceen dagaalo dhaxmray dad reer miyi ah oo iskood isku abaabulay iyo Al-shabaab.

10/3/2018 1:45 AM EST
Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)–Bishii tagtay ee September ee sanadkan 2017da waxaa xoogeystay khilaafka u dhaxeeyay madaxda dowlad gobolleedka Galmudug oo u kala qeysamay degmooyinka Dhuusa-Mareeb iyo Cadaado oo ka wada tirsan gobolka Galguduud.

10/3/2018 1:11 AM EST
Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha dhexe oo ay ku xoogan yihiin dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab ayaa sheegaya xalay halkaa laga maqlay duqyn xoogan oo aan la ogeyn waxa loo adeegsaday.