4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 3 , 2018
Xildhibaan Xassan Sheekh oo maanta ka qayb-galay fadhigii Baarlamaanka

Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)–  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb-galay fadhigii Baarlamaanka oo la filayo in lugu soo gabagabeeyo doodda xeer hoosaadka Baarlamaanka oo maalmihii la soo dhaafay Xildhibaannada ka doodayeen.

Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud,waxaa lugu wadaa  inuu khudbad ka jeediyo fadhiga Baarlamaanka.

Xasan Sheekh oo soo noqday madaxweynihii 8aad ee Jamhuuriyaddu yeelato sida uu qabo dastuurku marka uu xilka ka dego waxaa loo dhaariyey Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka inta ka dhiman noloshiisa.

Madaxweynihii hore ayaa Muqdisho ku soo laabtay dabayaaqadii bishii August, kaddib 18 bilood oo uu dalka ka maqnaa, markii looga adkaaday doorashadii Madaxweynaha, ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo uu ugu weynaa dhismaha xisbi cusub oo ay ku midoobeen xisbiyo badan oo horey Muqdisho uga dhisnaa.

Isbaheysiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh, ayaa lugu wadaa in maalinta Khamiista ah uu yeesho shirweynihiisi kaas oo lagu daah furaayo ujeedooyinka Xisbiga.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]