4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 3 , 2018
Beledweyne : saraakiil ciidan oo xabsiga la dhigay

 

Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in maamulka gobolka uu xabsiga dhiggay saraakiil ka tirsan hay’adda nabad-sugida.

Saraakiisha la xiray ayaa kala ah Cabduqaadir Maxamed Abuukar iyo Cabdi Maxamed Cali oo labaduba horay u soo maray taliska nabad-sugida gobolka Hiiraan, lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa xarigooda.

Laakiin warar soo baxaya ayaa sheegaya in saraakiisha la xiray iyo maamulka gobolka isku qabteen xil wareejinta taliyayaal cusub oo loo soo magacaabay xilalka ay hayeen labada sarkaal ee la xiray.

Talaabadan ayaa imaneysa xili galinkii danbe ee shalay sidan oo kale guddoomiyuhu xabsiga u taxaabay maamulkii maaliyada gobolka oo laakiin saakay la sheegay in xabsiga laga sii daayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]