4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 3 , 2018
Dowladda Iiraan oo sheegtay inay diyaar u tahay wada-hadallada Marekanka
Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan , Javad Zarif
Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan , Javad Zarif

Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)– Xukuumadda dalka Iiraan ayaa xasuusisay Marekanka inay diyaar u yihiin wada-hadallo dib loo billaabo,kaddib markii uu Marekanka ka baxay heshiiskii Nukliyeerka Iiraan ee sanadkii 2015-kii.

Iiraan waxaa ay shaki-galisay sida loogu kalsoonan karo madaxweynaha Marekanka  Donald Trump,balse wasiirka arrimaha dibadda Iiraan , Javad Zarif  wuxuu qabaa in wax kasta ay suuragal yihiin, isla markaana aanay albaabada ka xiran madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

 Zarif ayaa waxa uu ka hadlayay magaalada New York kaddib markii ay Iiraan ka heshay taageero dalalka kale ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si loo badbaadiyo heshiiskii Nukliyeerka Iiraan ee la galay 2015-kii, walow uu sii kordhayo cadaadiska uu heshiiskaasi ku hayo Mareykanka kaas oo isaga baxayba bilowgii sanadkan.

Wasiirka arimaha dibedda ee Iiraan ayaa sheegay in inkastoo dalkiisa ay xaalad adag soo wajahday, aysan xilligan diyaar u ahayn inay ka baxdo heshiiska nukliyeerka,balse waxa uu intaa ku daray in xilligan la joogo aanay Iiraan aqbali karin in Trump ay la yeelato kulan ka mid ah kii uu la yeeshay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Dowladda Iiraan, waxaa rajo weyn galinaya in quwadaha kale ee heshiiska qeybta ka ah ay kusii jiri doonaan,halka Midowga Yurub-na  uu samaynayo hannaan ay shirkadihiisa ugula ganacsan karaan dalkaasi iyagoo aan isticmaaleyn lacagta dollar-ka.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]