4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 3 , 2018
Soomaaliya oo saxiixday Qaraarka Qaramadda Midoobay ee Xaquuqda dadka Naafada ah

Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)– Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Deeqa Yaasiin ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka Talaadadii ku saxiixday ka mid noqoshada Soomaaliya ee Qaraarka Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada ah.

Soomaaliya ayaa noqoneysa dalka 178-aad ee saxiixa Qaraarka Qaramada Midoobay ee Xaquuqda Dadka Naafada ah,xilli ay dowladda horay u ballan-qaaday ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u saxiixday sharciyo u yaalla Qaramada Midoobay, kuwii ugu dambeysay ee ay saxiixday dowladda waxaa ka mid ahaa sharci mamnuucaya askareynta Carruurta,iyadoo qaraarka ay dowladda saxiixday hadda la filayaa inuu muhiimad gaar ah uu yeesho dadka Naafada ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]