4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 3 , 2018
Khilaaf soo kala dhax-galay guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan iyo shaqaalaha maaliyada

 

Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)- Waxaa durbaba soo ifbaxaya khilaaf dhinaca maaliyada ah oo soo kala dhaxgalay guddoomiyahay dhawaantan la magacaabay ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-Geed iyo maamulka maaliyada Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan.

Warbaahinta Hiiraan Online oo arintan u kuur-gashay ayaa ogaatay in galinkii danbe ee shalay guddoomiyaha gobolka uu xabsiga u taxaabay dhamaanba shaqaalihii maaliyada ee ku sugnaa degmada Beledweyne kaddib markii ay isku maandhaafeen arrimo la xiriira dhaqaale sida la sheegay uu guddoomiyuhu weydiistay maamulka maaliyada oo dhinacooda ku gacan seyray dalabka guddoomiyaha, iyaga taa badalkeeda sheegay in aysan bixin karin dhaqaale aysan ogeyn wasaaradda maaliyada.

Wasiirka maaaliyada Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle [Maxamed Dheere] oo aan arintan wax ka weydiinay ayaa inoo xaqiijiyay xariga shaqaalaha, laakiin saakay la sii daayay, waxaana uu arin nasiib darro ah ku tilmaamay tallaabada uu qaaday guddoomiyaha.

‘’Waa arin nasiib darro ah, shalay markii aan xilka ku wareejineynay waxaa isku ogeyn inaan wax faragalin ah lagu sameyn karin hanaanka maaliyada gobolka, marka ma garan karno sabab keeni karta in shaqaale waajibkoodii gudanaya xabsiga la dhiggo’’ ayuu yiir wasiirka oo la hadlanay isaga jooga magaalada Jowhar.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka cusub ee gobolka Hiiraan gaar ahaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo lagu eedeynayo in uu ka danbeeyay tallaabada lagu xiray shaqaalaha maaliyada.

Maamulka maaliyada gobolka Hiiraan ayaa ah halka ugu daran ee mar walba uu ka soo ifbaxayo khilaaka soo kala dhax-gala hadba guddoomiyaha loo magacaabo gobolka iyo maamulka Hirshabeelle oo muddo labo sano ah isku badalay ilaa shan guddoomiye gobol.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]