4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 3 , 2018
Dowladda oo sheegtay in ay gacan siineyso dadka is abaabulay ee la dagaalamaya Al-shabaab

 

Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sheegtay in ay gacan militari siineyso dadka is abaabulay ee dagaalama xoogagga Al-shabaab kaddib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe ka dhaceen dagaalo dhaxmray dad reer miyi ah oo iskood isku abaabulay iyo Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa wuxuu sheegay in si buuxda ay u taageerayaan shacabka is abaabulay ee la dagaalamaya ururka Al Shabaab, wuxuu kaloo sheegay inay ka xun yihiin dadka ku dhintay dagaaladii dadka deegaanka la galeen Al-shabaab.

Labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxaa ka dhisan cutubyo dadka deegaanka ah oo is abaabulay kuwaa oo la baxay [Macwiisley] la dagaalama Al-shabaab oo sida ay hadalka dhiggeen ay uga maarmo waayeen xoolihii ay dhaqanayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan oo hore ku eedeeyeen in aysan wax gacan ah ku siin dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab oo ay kala kulmaan khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhamaan marka la eego howlgalada socda yihiin kuwo la doonayo in Al-shabaab looga adkaado, islamarkaana dib loogu furo deegaannada ay go’doomiyeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]