4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 3 , 2018
Dadaallo la doonayo in mar kale dib leysugu soo celiyo Galmudug oo socda

 

Arbaco, October, 03, 2018 (HOL) – Bishii tagtay ee September ee sanadkan 2017da waxaa xoogeystay khilaafka u dhaxeeyay madaxda dowlad gobolleedka Galmudug oo u kala qeysamay degmooyinka Dhuusa-Mareeb iyo Cadaado oo ka wada tirsan gobolka Galguduud.

Khilaafka ayaa sababay in dhamaan-ba mas’uuliyiintii ugu sareysa maamulka dhinacba kan kale uu ku eedeeyo xil gudasho la’aan iyo in kalsoonidii lagala noday, taasoo cuuryaa-misay howlihii hay’addaha kala duwan ee maamulka Galmudug.

Haddaba guddiga aqalka sare uu u saaray wax ka qabashada khilaafka soo kala dhax-galay mas’uuliyiinta Galmudug ayaa sheegay in aysan aqoosaneyn dhamaan xilka qaadistii hore u dhacday, loona baahan yahay in mar kale wadajir u shaqeeyaan mas’uuliyiinta Galmudug ee hadda kala fadhiya magaalooyinka Dhuuusa-Mareeb iyo Cadaado.

Guddiga ayaa intaa ku daray in aan la aqbali karin in ay sii socdaan waxa ay ugu yeereen dhaq-dhaqaaqyada lagu burburinayo hoggaanka ha’yadaha dastuuriga ee Galmudug.

Xubnaha guddigan waxay sidoo kale sheegeen inay garwadeyn ka yihiin dadaallo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada isku khilaafsan siyaasadda maamulka Galmudug.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabudllaahi Farmaajo oo ku guuldareystay qabashada kulan lagu xalin lahaa khilaafka soo kala dhaxgalay madaxda ugu sareysa maamulka, kaddib markii uu arinkaa ku gacan-sareysay madaxweyne Xaaf.

Lama oga sida ay ku aqbali karaan xildhibaannada baarlamaanka Galmudug ee fadhigoodu yahay Dhuusa-Mareeb baaqa Aqalka sare ee ah in wadajir loo wada shaqeeyo, iyaga oo dhawaan guddi u saaray dooorashada guddoomiye cusub oo uu yeesho baarlamaanka Galmudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]