4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 3 , 2018
Madaafiic xalay lagu weeraray saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Arbaco, October, 03, 2018 (HOL) –Wararka ka imanaya deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha dhexe oo ay ku xoogan yihiin dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab ayaa sheegaya xalay halkaa laga maqlay duqyn xoogan oo aan la ogeyn waxa loo adeegsaday.

Goobjoogayaal ku sugan gobolka Shabeellaha dhexe oo saakay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa jug xoogan oo lagu weeraray saldhigyo Al-shabaab ku leeyihiin deegaanka Basra oo u dhaxeysa labada Shabeelle, waxaana ay dadka qaar ku micneeyeen in duqeyntaasi ay geysteen diyaarado dagaal.

Laakiin dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in duqeynta xalay maqlay loo adeegsaday qoriga BM-ka oo ay adeegsanayeen ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM eefariisinka ku leh gobolka Shabeellaha dhexe.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerar kala duwan ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee gobolka, gaar ahaan degmada Balcad oo ay dhawaan la wareegeen deegaanno hoostaga.

Sidoo kale xoogagga Al-shabaab ayaa caqabad weyn ku ah isku socodka dadka iyo gadiidka waddada isku xirta magaalada Muqdisho iyo Jowhar oo xarun u ah maamulka Hirshabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]