4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2018
Buug uu qoray wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland oo muran badan dhaliyey

 

Axad, October, 28, 2018 (HOL) - Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa soo bandhigay buug uu ka qoray hayaankiisa nololeed iyo mudadii uu siyaasadda ku jiray dhacdooyinkii uu la kulmay.

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadda ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa buugiisa kaga hadlay noloshiisi miyiga iyo horumarka uu hadda gaadhay, waxaanu ka sheekeeyey nolol adag oo uu soo maray iyo halka uu ka gaadhay siyaasadda oo uu ilaa hada ku jiro.

Buugan wuxu u bixiyey Miyi Ilaa Madaxtooyo: Socdaalkeygii Guusha, taas oo uu kaga waramay waayihiisii nolosha iyo siyaasada ee uu soo maray, waxaanu buugaasi dhaliyey dood iyo muran badan, ka dib markii qayb ka mid ah buugiisa uu wax kaga sheegay caafimaadka madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo uu xusay inuu cudur kaga dhacay xaga xasuusta iyo mar uu isku dayey inuu is casilo balse laga diiday.

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa shan sanno ahaa gacan yaraha madaxweyne Siilaanyo, waxaanu ahaa dadka ugu dhow ee madaxweynaha, isla markaana ugu awooda badan xukuumadda, waxaanay dadku ku dhaliilayaan in madaxweynihii dadka baray ee awoodaasi siiyey inuu wax ka sheego.

Labadii maalmood ee u dambeeyey waxa baraha bulshada lagaga doodayey buugaasi Xirsi oo dad badani ka falceliyeen, iyadoo ay yar tahay dadka difaacaya buugga.

Xirsi wuxuu buugiisa ku qoray inuu nolol miyi iyo duruufo adag uu ku soo korey, isla markaana shaqooyinka uu meelo hoose ka bilaabay illaa markii dambe uu ka gaadhay shirkadii uu u shaqayn jirey inuu maamulo, markii dambe uu siyaasada usoo digo rogtay oo uu ka gaadhay heer uu noqdo wasiiradda ugu awooda badan golihii wasiirada ee wakhtigaasi. Sidoo kale waxa uu sheegay inuu isagu wax is baray oo dadaalkiisa iyo kartidiisa uu wax ku noqday, waxaanu sheegay in buugan ugu tallogalay inuu dhallinyarada ku dhiirigaliyo si ay mustaqbalkooda u dhisaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland