4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2018
Madaxweynaha Puntland oo taliyayaal cusub u magacaabay ciidanka Daraawiishta iyo Booliska

Axad, October, 28, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magacaabay taliyaha ciidanka Daraawiishta iyo taliyaha ciidanka Booliska, sida ku cad labo wareegto oo uu baahiyay xafiiska madaxweynaha.

Madaxweynaha Puntland, waxaa uu u magacaabay taliyaha cusub ee ciidanka Daraawiishta Puntland, Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen ,saacado yar kaddib markii talihii hore ee ciidanka Daraawiishta Jen Saciid Dheere uu ku dhawaaqay inuu u sharraxanyahay xilka madaxtinimada Puntland ee sanadka 2019.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas waxaa uu magacaabay taliyaha ciidanka booliska oo loo magacaabay S/Guuto Muxuyadiin Axmed Muuse , oo horay u ahaa taliyaha ciidanka xasillinta magaalada xarunta ah ee Garoowe iyo taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal.

Magacaabiista iyo wax ka badalka uu madaxweynaha Puntland ku sameeyay saraakiisha uga sarreeysa ciidamadda ayaa ku soo aaday xilli ay Puntland isku diyaarinayso doorashada guud ee madaxweynaha oo la qabanayo horraaanta bisha Jannaayo ee sanadka 2019.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]