4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2018
Cabdiweli Gaas oo Aqbalay martiqaadka madaxweyne Farmaajo

Axad, October, 28, 2018 (HOL)-  Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ogaaladay martiqaadka iyo gogosha uu fidiyay madaxweynaha dowladda federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,balse waxa uu sheegay inay ka war sugayaan dhex dhexaadinta iyo howsha uu wado Aqalka Sare.

Cabdiweli, waxa uu calaamad su’aal geliyay inay Muqdisho tagayaan iyo in kale,isagoo sheegay in go’aankii horay uga soo baxay uu sidiisa yahay, wax laga laabtay aanay jirin, howsha dhex dhexaadinta ay Aqalka Sare ku jiraan, ayna ka war dhowrayaan.

"Dowlad-gobolleedyada waxay u taagan yihiin nidaamka dowliga ee Federaalismka in la ilaaliyo, dhul badan ayay mas’uul ka yihiin waa in lagu ixtiraamo oo lagyla shaqeeyo, waxyaabaha ka socda Koofur-galbeed iyo Galmudug waxaa moodaa in aysan sax aheyn, oo aan nidaamkii la rabay aan loo maareyn". ayuu yiri madaxweyne Gaas oo wareysi siiyay idaacadda maxalliga ah ee Radio Kulmiye.

Madaxweynaha Puntland ayaa wareysiga lagu waydiiyay waxa ay ku diidan yihiin martiqaadka loo fidiyay,waxa uu sheegay in aanay diidaneyn casuumaada, balse dhowr jeer la wada hadlay go’aamo horay loo gaarayna aanay waxba ka fulin,taasina ay qasbeyso in la helo daraf saddexaad, wuxuuna xusay in shuruudooda aanay aheyn kaliya faragelin shisheeye.

"Faragelin shisheeye muhiim ma ahan, meel aan uga hadalnay ma jirto, hada Aqalka Sare oo matal dowlad goboleedyada oo dad Soomaaliyeed ah nidaamka Federaalka saldhig u ah ayaa waan waanta galay, waana soo dhoweynay, haddii ay dhankaas ka ogoleysiinayaan in la heshiiyo wax dhibaato ah kuma jirto anaga diyaar ayaa u nahay howshaas inay dhex dhexaadin ka noqdaan".ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dowlad-gobolleedyada uga baaqay shir wada-tashi ah si meesha looga saaro khilaafka, iyadoo laga arkayay baaqa madaxweynaha dabacsanaan iyo tanaasul.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]