4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2018
Taliyaha ciidanka Puntland oo isku soo sharraxay xilka Madaxweynaha


Axad, October, 28, 2018 (HOL)- Taliyaha  ugu sarreeya ciidanka Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay inuu ka qaybgalayo doorashada madaxweynaha ee Puntland ka dhacaysa horraanka bisha Jannaayo ee sanadka 2019.

"Waxaan go'aansaday in shacabka Puntland aan u caddeeyo inan ahay musharrax jagada madaxweyne-nimo Puntland ee sanadka 2019." ayuu yiri Sarreeye Guuto Saciid Maxamed Xirsi (Saciid Dheere) oo ah taliyaha guud ee ciidanka sida milatariga u tababarran ee Daraawiishta Puntland.

Saciid Dheere, wuxuu sheegay in uu xilka madaxtinimada isku soo taagey ,kaddib tala soo jeedin uu ka helay qeybaha bulshada ee Puntland, waxa uu inta ku daray in go'aankan uu qaatey markii uu arkay duruufaha ka jira Puntland, sida sarreynta sharciga oo hoos u dhacday, dhaqaalaha sii liicaya iyo amniga oo u sheegay inuu faraha ka baxay.

Tirada musharrixiinta doonaya inay u tartamaan xilka madaxweynaha Puntland ayaa toddobaadyadii u dambeeyay kordhay, balse waxaa jira siyaasiyiin badan oo wali shaki galinaya in doorashada ay waqtigeeda ku dhacayso, wallow madaxweynaha xilka haya Cabdiweli Gaas uu sheegay dhowr mar doorashada waqtigeeda inay ku dhici doonto.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]