4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2018
Somaliland:Dallaggii ugu horeeyey ee dawladu beertay oo soo go’ay


Axad, October, 28, 2018 (HOL) -Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, ayaa Dallagii u horeeyey ee dawladdu biirtay usoo go’ay, taas oo laga jaray Banka Wajaale.

Dallagan oo ah Qadami saddex bilood ka hor lagu beeray Tog-wajaale, ayaa markii la soo jarayey waxaa ka qaybgallay Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Md. Axmed Muumin Seed, oo ay wehelinayeen Wasiirrada Wasaaradaha Xanaannada Xoolaha, Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Gabiley iyo khuburro ka mid ah Wasaaradda Beeraha.

Wasaaradda Beeraha ayaa soo goynta Qamadinkan oo si Tijaabo ah loo beeray waxay u adeegsatay Cagaf Casri ah oo Goynaysa, kalana saaraysa Midhaha, caleenka iyo wixii kale ee la socda, taasi oo aakhirkii Midhihii Qamadinka oo haadsan ku shubtay meel loogu Talo-galay.

Qamadinkan sidii loogu talo-galay u baxay ee la soo gooyey oo Wejiga koowaad u noqonaya Dalag-yada Wasaaradda Beeruhu ka qodday Gobollada dalka ee sidii Qorshuhu ahaa u hirgalay, ayaa waxa faahfaahin ka bixiyey Marxaladihii uu soo maray iyo Qorshayaasha horumarinta beeraha ee Wasaaraddu waddo Mas'uuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Beeraha, halka Wasiirrada kale ee ka qayb-galay Munaasibaddaasina ay Wasaaradda ku bogaadiyeen dedaalka ay waddo.

“Maanta waxaanu joognaa Qaybta Qamadinka ee Banka Wajaale, Qamadinkani wuxuu ku soo baxay 2 bilood iyo 28 Maalmood, sidaa darteed halkan waxa jooga Mishiinkii (Cagaftii) goynaysey.”ayuu yidhi agaasimaha wasaaradda Axmed Cali Maax.

Wasiirrada Wasaaradaha Xanaannada Xoolaha, Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo iyaguna halkaa ka ka hadlay ayaa Wasiirka, Agaasimaha guud iyo Hawl-wadeennada Wasaaradda Beeraha ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan in Dalku gaadho isku-filaansho dhanka Cuntada ah.

Xukuuumadan ayaa bilowday wax soo saarka dallaga beeraha, isla markaana ballanqaaday inay dalka usoo saarto cunto ku filan, iyadoo mashruucan wax soo saarka laga hirgaliyey laba gobol oo hada la sugayo in la soo jaro.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.