4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2018
Faahfaahin Iska horimaadkii shalay ka dhacay Kismaayo

Axad, , October, 28, 2018 (HOL)–Magaalada Kismaayo waxaa shalay uu iska horimaad ku dhex maray ciidamo ay dhawaan sameysay wasaaradda amniga Jubbaland oo ka kooban hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya ammaanka, kuwaa oo loo xilsaaray arimo ay kamid ahaayeen, ururinta hubka sharci darrada ah, sugidda nabadgelyada iyo ka hortagga falalka liddiga ku ah ammaanka iyo weliba askar ka tirsanayd ciidamada Jubbaland oo nabadoon ku dilay KIsmaayo.

Askarta la weeraray ayaa ka dhaga adeygay awaamiir kasoo baxday maamulka oo ahayd in ay dib ugu laabtaan xerooyinkooda, waxaana ay isku urursadeen xaafad kamid ah xaafadaha Kismaayo.


Askartan oo gaareeysay ilaa 11 ayaa dilay Nabadoon Xasan Gooloow oo kamid ahaa odoyaasha dhaqanka Jubbaland, kana mid ahaa nabadoonno u tagay askartaasi si ay ugu qanciyaan in ay dib ugu laabtaan xerooyinkooda.

Hadaba Hiiraan Onlie ayaa saaka ka wareeysatay arimahaa, wasiirka maaliyadda Jubbaland Mudane C/rashiid Jire Qalinle oo isagu ku sugan Kismaayo, waxaana wasiirku uu sheegay in howlgalku kusoo idlaaday si nabadgelyo ah.


“Askarta la weeraray nabadoon Xasan Goolow ayay dileen, kadib waxay ku dhuunteen guri ku yaallay mid kamid ah xaafadaha magaalada, waxay diideen in ay is dhiibaan, guryaha ay ku dhuunteen shacabkii daganaa ayaa lagu amray in ay ka guuraan, dagaal mudo kooban socday ayaa dhacay, ugu danbeyna way is dhiibeen ayadoo uusan dhicin wax khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,” ayuu yiri Wasiir C/rashiid oo la hadlay HOL.

Weerarkan oo socday qadar daqiiqado ah, ma jirin cid ku dhimatay, waxaa ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsanaa Booliska.

Shabakadda Hiiraan Online, waxay raaligelin ka bixineeysaa xog ku saabsanayd khasaaraha weerarkii shalay ee aan baahinnay, Hiiraan Online waxay xaqiijisay in aysan jirin cid ku dhimatay iska horimaadkii shalay ka dhacay Kismaayo, ayadoo arintaasi ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha amniga Jubbaland iyo bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo.


Hiiraan Online News Desk,