4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2018
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay xiriirka labada dal

 

Axad,  October, 28, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowladda SoomaaliyaMaxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay khadka telefoonka kula xiriiray dhiggiisa dalka Kenya  Uhuru Kenyatta oo ay ka wada hadleen iskaashiga dhaqaale iyo amni ee labada dal.

Agaasimha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in madaxweynaha uu la soo qaaday dhiggiisa Kenya dhameystirka heshiis-yadii ay wada gaareen kaddib booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku tagay Kenya horraantii sanadkii tagay.

Labada Madaxweynaha ayaa isku afgartay in lasii adkeeyo xiriirka diblomaasiyadeed, isdhexgalka dhaqaale iyo midka bulsho ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Waxay sidoo kale, ka wada hadleen fududeynta isu socodka dadka iyo badeecadaha iyada oo la dhiirri-gelinayo ganacsiga xorta ah iyo suuq furan oo ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Mudane Uhuru Kenyatta kaalinta ay Dowladda Kenya ka qaadanayso nabadgalyada gobolka iyo adkeynta xiriirka labada dal oo ah mid ku dhisan iskaashi iyo is-ixtiraam.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]