4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2018
Cabdiweli Gaas oo xilkii ka qaaday saraakiil ciidan oo warbaahinta ka mucaaradey

Sabti, October, 27, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  wuxuu  xilkii ka qaaday siddeed sarkaal ,kuwaas oo ka soo horjeestay qodobbadii ka soo baxay shirka madasha wadatashiga maamul-gobolleedyada ee dhawaan Garoowe lagu soo gabagabeeyay, waxaa kalo ay dhaliileen hoggaaminta madaxweyne Gaas.

Saraakiisha ayaa lagu eedeyay in ay ku kaceen falal liddi ku ah anshaxa ciidanka iyo jiritaanka Puntland waxaana digreetada ruqsada saraakiishan ay soo baxday 25 bishan oo ku taariikhaysnayd shalay hase ahaate maanta ay heleen qeybaha kala duwan ee warbaahinta.

Taliyihii hore ee booliska gobolka Nugaal,G/sare Axmed Cabdullaahi Samatar Layli ayaa ka mid ah saraakiisha la ruqseeyay , iyadoo  labo digreeto oo is xig xigay lagu ruqseeyay saraakiishan ka tirsanaa ciidamadda daraawiishta iy kuwa Booliska Puntland hadana dhamaantood waxa ay ka sinaayeen eedaha ah in ay ku kaceen falal ka baxsan anshaxa ciidanka iyo jiritaanka Puntland sida ka muuqata warqada digreetada madaxweynaha.

Toddobada sarkaal ee kale oo u madaxweynaha Puntland, ruqseeyay ayaa kala ah :

G/Sare Jaamac Axmed Maxamed (Luujito),G/Sare Maxmed Cali Qase,G/Sare Maxamed Ducaale Maxamuud (Ayax),G/Sare Cabdirisaaq Aadan Cali (Dhancad),G/Dhexe Cabdulqaadir Jaamac Cabdi (Dhalo muro),G/Le Maxamuud Cali Xirsi ( Afgaab) iyo Dhame Cumar Aadan Cabdi (Boolo Boolo).

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]