4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2018
Maamulka oo joojiyay bandhig faneed uu Boosaaso ku qaban lahaa fannaanka Nimcaan Hilaac

Sabti, October, 27, 2018 (HOL)– Bandhig faneed lagu waday caawa inuu magaalada Boosaaso ku qabto  fannaanka caanka ah ee Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan oo ku magac dheer  Hilaac ayaa la joojiyay, amarka oo ka soo baxay maamulka degmada Boosaaso.

Muuqaal hal daqiiqo soconayay oo fanaanka uu ku baahiyay bartiisa Facebook ayuu ku xaqiijiyay in la baajiyay bandhig faneedkii uu ku qaban lahaa Boosaaso, wuxuu inta ku daray duqa degmada Boosaaso oo markii hore marti qaaday inuu bixiyay amarka lagu baajiyay bandhiga,ma uusan bixin macluumad inta ka badan.

Nimcaan Hilaac, wuxuu raalligaliyay taageerrayaashiisa iyo dadkii ka qaybgali lahaa bandhig faneedka, oo diyaar garowgiisa ay ka socotay magaalada Boosaaso maalmihii u dambeeyay.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay, sababta maamulka degmada Boosaaso uu bandhiga u joojiyay inay la xiriirto cadaadis ka yimid culimada, waxaana masaajida magaalada Boosaaso qaar ka mid ah ay culimada uga duceeyeen duqa degmada Boosaaso doorkii uu ku lahaa baajinta bandhig faneedka.

Xafiiska maamulka degmada kama uusan jawaabin xiriir ay la sameysay Hiiraan Online, mana jirto warbixin ka soo baxday maamulka degmada iyo kan gobolka oo lagu faahfaahiyay baajinta bandhig faneedka uu qaban lahaa Nimcaan Hilaac.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]