4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2018
Puntland: Nabadoonno iyo waxgaradka gobolka Bari oo ka soo horjeestay qodobbadii ka soo baxay shirka madasha maamul-gobolleedyada

Sabti, October, 27, 2018 (HOL)– Nabadoonno iyo waxgarad shir jaraa'id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa ka soo horjeestay warmurtiyeedkii ka soo baxay shirka madasha wada-tashiga ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe.

Waxay aad u dhaliileen qodobbada shirka oo ay ku sheegeen in lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed, xubnaha shirka jaraa'id qabtay ayaa ugu baaqay hoggaamiyayaasha maamul-gobolleedyada inay ka shaqeeyaan wada-jirka bulshada intii bay yirahdeen lakala fogeyn lahaa bulshada.

"Burburinta iyo kala fogeynta umadda Soomaaliyeed, ma aha mid aan yeelanayno, waxaana xaqiijinaya warmurtiyeedka  in lagu kala fogeynayo bulshada Soomaaliyeed." ayuu yiri afhayeenka nabadoonada gobolka Bari,  Cabdiqaadir Axmed Ibraahim (Nabadoon Xarago).

Nabadoon Xarago, ayaa madaxweynaha Puntland iyo hoggaamiyayaasha kale ee shirka ka qaybgalay ugu baaqay inay wax ka qabtaan xaaladaha ka taagan deegannadooda, wuxuu dhanka kale shaki galiyay sida ay Puntland doorasho uga dhici karto iyadoo xukuumadda aysan muujin sida uu yiri diyaargarowga doorashada.

Hoggaamiyayaasha maamul-gobolledyada ayaa toddobaadkan markii ugu horreeysay, waxaa kulankii afaraad ee madasha wada-tashiga ay ku qabsadeen magaalada Garoowe,waxaana qodobbada shirka ka soo baxay ka mid ahaa inay dhisayaan ciidammo u gaar ah iyo xisbi siyaasadeed ay ku mideeysanyihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]