3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2018
Dagaal culus oo ka dhacay magaalada Kismaayo

 

Sabti, October, 27, 2018 (HOL) – Dagaal culus oo leysku adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka ayaa magaalada Kismaayo maanta ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland iyo maleeshiyo beelleed.

Inta la xaqiijinayo Afar ruux oo uu ka mid yahay Oday dhaqameed ayaa ku dhintay dagaalka oo bartamaha magaalada leysku adeegsaday madaafiic iyo hubka darandooriga u dhaca oo laga maqlay dhawaqooda deegaanno ka baxsan magaalada.

Dagaalkan ayaa imanaya kaddib amar ka soo baxay maamulka Jubbaland oo ka mamnuucay magaalada lagu dhaxqaato hub sharci darro ah, laakiin arintaan waxaa ka horyimid qaar ka mid ah beelaha dega magaalada oo sheegay in ay hubka u heystaan sababo nabad-galyo.

Sidoo kale dagaalkan ayaa imanaya xili madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu ka soo laabtay magaalada Garoowe oo ay shir ku yeesheen madaxda dowlad gobolleedayda oo qodobada kulankooda leysku afgartay uu ka mid ahaa qodob dhigaya in dowlad gobolleedyadu sameystaan ciidamo u gaar ah.

Dagaalka maanta ka dhacay Kismaayo ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee waayadan soo mara magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/27/2018 6:04 PM EST
Sabti, October, 27, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku martiqaaday Madaxda dowlad-gobolleedyada shir wadatashi ah ayaa ugu baaqay in iyaga oo eegaya danta dalka iyo dadka ay aqbalaan dalabka dowladda Federaalka Soomaaliya si loo sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo midnimada, wax wada qabsiga iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

10/27/2018 3:50 PM EST
Sabti, October, 27, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu xilkii ka qaaday siddeed sarkaal ,kuwaas oo ka soo horjeestay qodobbadii ka soo baxay shirka madasha wadatashiga maamul-gobolleedyada ee dhawaan Garoowe lagu soo gabagabeeyay, waxaa kalo ay dhaliileen hoggaaminta madaxweyne Gaas.

10/27/2018 3:35 PM EST
Sabti, October, 27, 2018 (HOL)– Bandhig faneed lagu waday caawa inuu magaalada Boosaaso ku qabto fannaanka caanka ah ee Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan oo ku magac dheer Hilaac ayaa la joojiyay, amarka oo ka soo baxay maamulka degmada Boosaaso.

10/27/2018 3:19 PM EST
Sabti, October, 27, 2018 (HOL)– Nabadoonno iyo waxgarad shir jaraa'id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa ka soo horjeestay warmurtiyeedkii ka soo baxay shirka madasha wada-tashiga ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe.

10/27/2018 2:50 PM EST
Sabti, October, 27, 2018 (HOL)–Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ayaa maanta oo taariikhdu tahay 17-ka October 2018-ka ka qabsoomay magaalada Muqdisho,waxaana shir guddoominayay Wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Qadar Mr. Sultan Al-Muraikhi.

10/27/2018 2:01 PM EST
Sabti, October, 27, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xarunta madaxtooyada xaflad ugu qabtay 380 (Saddex boqol iyo siddeetan) arday reer Somaliland ah oo deeq waxbarasho jaamacadeed ah ka helay dalka Itoobiya.

10/27/2018 11:59 AM EST
Sabti, October, 27, 2018 (HOL) – Kaddib kulan magaalada Muqdisho ay maanta ku yeesheen mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa loo doortay islamarkaana cod gacan taag ah lagu ansixiyay in uu noqdo guddoomiyaha dhismaha Wadooyinka ee Rugta Ganacsiga ninka lagu magacaabo Farxaan Xusseen Xeydar.

10/27/2018 11:52 AM EST
Sabti, October, 27, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo khudbad ka jeedinayay munaasabad ay xilalka kula wareegayeen mas’uuliyiin loo soo magacaabay maamulka degmada Beledweyne ayaa fariin u diray wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle.

10/27/2018 9:34 AM EST
Sabti, October, 27, 2018 (HOL) - Guddiga Qaramada Midoobay ee la socodka xaaladaha dalalka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa yeeshay wada xaajood aan rasmi ahayn oo ay ku eegayaan warbixinadii ugu dambeeyay ay guddiga soo saareen.

10/27/2018 9:25 AM EST
Sabti, October, 27, 2018 (HOL) - Dhaqaalaha gobolka sagaalad ee Puntland ayaa hadda hoos u dhacay, arrinta oo loo sababeeyay muddooyinkii dambe bulshada gobolka oo caan ku ahayd wax dhoofinta inaysan dibadda waxba u dhoofin.

10/27/2018 9:20 AM EST
Sabti, October, 27, 2018 (HOL) - Roobab ka da'ay Muqdisho xalay ilaa subixii hore ee Sabtida maanta ayaa saameeyey dadka barakacayaasha ah.

10/27/2018 8:45 AM EST
Sabti, October, 27, 2018 (HOL) - Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah musharraxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland, doorashada dhacaysa horraanta sannadka 2019 ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

10/27/2018 5:19 AM EST
Sabti, October, 27, 2018 (HOL) -Waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho ka furmay shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka OIC,, iyadoo shirka si rasmi u furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

10/27/2018 4:57 AM EST
Sabti, October, 27, 2018 (HOL) -Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar Sultan bin Saad Al-Muraikhi ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, isagoo ka mid wah wafuuda ka qeyb galeysa Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka OIC.

10/27/2018 4:07 AM EST
Sabti. October, 27, 2018 (HOL) - Ciidamada dowladda Kenya ayaa toogasho ku dilay 24 la tirsan xoogagga Al-shabab kaddib iska horimaad saqdii dhexe ee xalay ka dhacay deegaanka Bilis Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen xero ku taala deegaanka.

10/27/2018 3:47 AM EST
Sabti, October, 27, 2018 (HOL) -Hey’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay ka bixiyay duqeyn Mareykanka ka fuliyayi Khamiistii ina dhaaftay oo ku beegneyd 25 October deegaanka Kuunyo Barow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

10/27/2018 12:57 AM EST
Sabti, October, 27, 2018 (HOL)–Ciidamada Amaanka ayaa xiray dhamaanba isgoysyada magaalada Muqdisho, waxaana siweyn loo adkeeyay guud ahaanba amniga caasimada oo uu maanta ka furmo shirka Ururka Iskaashiga Islaamka.

10/27/2018 12:46 AM EST
Sabti, October, 27, 2018 (HOL) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo ay ka qeybgalayaan ergo ka kala socta ilaa 15 sal oo dunida muslimka ah.