4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2018
Madaxweyne Biixi oo xaflad sagootin ah u sameeyey 380 arday oo deeq waxbarasho ka helay Itoobiya


Sabti, October, 27, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xarunta madaxtooyada xaflad ugu qabtay 380 (Saddex boqol iyo siddeetan) arday reer Somaliland ah oo deeq waxbarasho jaamacadeed ah ka helay dalka Itoobiya.

Munaasibaddan sagootinta ah ee uu madaxweynuhu u sameeyey ardayda deeqda waxbarasho ka heshay dalka Itoobiya oo ujeeddadeedu ahayd dhiirrigelinta ardayda deeqda heshay ayaa waxa kala qayb-galay madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), ku-xigeenkiisa, Mudane Cabdiqaadir Dhego-weyne, guddoomiyaha jaamacadda Hargeysa, Dr. Maxamed Yuusuf Muuse, xubno kamid ah golaha wasiirrada, saraakiil ka tirsan bahda waxbarashada, dhammaanba ardayda deeqda waxbarasho ku guulaysatay, waalidiintooda iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagula dardaarmay ardayda, laguna adkeeyey inay u dhabar-adaygaan caqabad kasta oo ka hortimaadda muddada ay waxbarashada ku jiraan.

, “Deeqdani waa mid muhiim ah oo dalkeennu baahi weyn u qabo, waxana aynnu siinnay muhiimad gaar ah, maadaama oo ay tahay tii ugu baaxadda weynayd ee dalkeennu dibadda ka helo, sidoo kale waxa aannu aaminsannahay inay tahay tii ugu horraysay ee aynnu sideeda uga faa’iidaysan doonno.”ayuu yidhi wasiirka waxbarashada Farotoon.

Mar uu ka hadlaayey qaabka loo soo xulay waxa uu yidhi “Soo xulista waxa aannu u raacnay hab caddaalad ku salaysan, waxana aannu ku salaynay qoondo ama saami aannu u qaybinnay dugsiyada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, saamigaas oo aanu kuwa dawladda siinnay 70% (boqolkiiba toddobaatan) iyo 30% (boqolkiiba soddon) aannu siinay kuwa gaarka loo leeyahay, waxa kale oo aannu qoondadaas ku salaynay tirada ardayda imtixaanka u fadhiisatay oo gobolaysan, annaga oo sidoo kale ku salaynay derejada deeqda halbeegga looga dhigay oo ah derejada ‘B’, markii aannu habkaas raacnayna waxa noosoo baxday sida wax loo kala helay,”

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhalinyarada ku dhiirigaliyey inay wax bartaan, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “ qofka aqoonyahanka ahina wuu ka gudbaa qoys iyo gobol oo heer qaran buu tagaa, marka dambena aduunka oo dhan buu ka fikiraa, idinkuna halkii ugu sarraysay baad tegaysaan, dalkuna wuu idin sugayaa, xukuumad ahaanna waxa naga go’an inaanu mustaqbalka dhallinayrada xoog saarno, wixii dedaal ahna intii itaalkayagu yahay aannaan waxba kala hadhin,”

Dhinaca, madaxweyne Biixi waxa uu ka hadlay in aan la siyaasadeyn caawinta iyo wax ka qabashadda dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay labadii beelood ee ku dagaalamay Gobolka Sool.

“Maalmahan waxan maqlayey dad badan oo siyaasiyiin ah ama qurbe-joog ah oo arrintaas (shaqaaqada gobolka Sool) siyaasadaynaya, Somaliland horena tacab badan bay u gelisay oo laba sannadood buu ciidankeedu joogay, haddana xoog badan bay gelinaysaa, waxba kala hadhi mayso sidii colaaddaas loo dhammayn lahaa, ciddii nabaddaas wax ka taraysa ee madax-dhaqameed ah ee Islaax waddana way oggoshahay, ciddii caawimo bani’aadannimo dadkaas barakacay iyo kuwa dhaawaca ahna waannu oggolahay, laakiin ma oggolin cid siyaasadaysa oo ujeeddooyin kale maanta ka dhex aloosta gobolka Sool.”ayuu yidhi madaxweyne Biixi oo la hadlay dad ku dhaliilay dhaawacyo la geeyey Muqdisho oo lagu dhaliilay xukuumadda..

Ardayda la diray oo isugu jira wiil iyo hablo, ayaa kala tegi doona 14 (Afar iyo toban) jaamacadood oo dalka Itoobiya ku yaalla, soona baran doona takhasusyo kala duwan oo ay jaamacadahaasi bixiyaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.